4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2017
Taliyaha ciidanka xoogga oo booqday askar qaba dhaawacyo kala duwan oo ku jira Isbitaalka Madiina

 

Sabti, April, 15, 2017 (HOL) –Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale, ayaa booqday isbitaalka Madiina ee magaalladda Muqdisho, halkaas oo ay ku jiraan askar dhaawacan.

Isbitaalka Madiina, ayaa waxaa ku jira dhaawacyada askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ku dhaawacmay qarax dhawaan ka dhacay Warshadda Nacnaca Degmada Wadajir ee magaalladda Muqdisho.

Taliyaha Xoogga dalka Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in dalka dibadiisa loo qaadi doono askarta qaar ee qaba dhaawacyada culus ee aan dalka waxba looga qaban karin.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 12-kii bishan khubad ka jeedinayay munaasabada xuska 57 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in kor looqaadi doono tayada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

10-kii bishan April, Ugu yaraan 10 askari oo u badan saraakiil ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Warshadii hore ee Nacnaca ee degmadda wadajir ee magaalladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay nin soo xirtay tuutaha ciidanka militariga dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in uu gudaha u galay xerada ciidanka.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

Dhinaca kale 13 bishii March ee sanadkan, Qarax ayaa ka dhacay banaanka hore ee Warshadda Nacnaca oo ay ku xareesanyihiin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia