4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2017
Monitoring Group oo sheegtay 4-tii bil ee lasoo dhaafay in aysan helin xiriir ka dhexeeya Al Shabaab iyo Eritrea

 
Sabti, April, 15, 2017 (HOL) –Guddiga Golaha Ammaanka ee QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea, ayaa sheegay afartii bilood ee la soo dhaafay  in aysan helin caddaymo muujinaya inuu xiriir ka dhexeeyo Dowladda Eritrea iyo Alshabaab.

Monitoring Group  ayaa horay ugu eedeysay Eritrea in ay xiriir la leedahay Al Shabaab inkastoo ay beenisay dowladda.

Guddiga ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya siiyay Golaha ammaanka ee QM.

Warbixintooda ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay baareen halka asal ahaan laga soo daabulay shixnad hub ah oo gaaraya 25,000 oo qoryaha Fudud ah oo la soo geliyey gudaha Somalia.

Guddiga Golaha Ammaanka ee QM ugu qaabilsan  Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea, ayaa dhinaca kale sheegay in ay kordheen weeraradda Al Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Soomaaliya ee khasaaraha badan dhaliya.

Sidoo kale hogaanka Guddiga, ayaa u sheegay Golaha ammaanka ee QM in Al Shabaab qatarta ugu weyn ay ku yihiin nabad-gelyada dalka soomaaliya.

Kooxda QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee Somalia iyo Eritrea waxay walaac ka muujiyeen Kalluumeysiga Sharci-darradda ee Badda Somalia iyo sida ay Alshabaab ugu lug leeyihiin Ganacsiga Dhuxusha.

Wakiiladda dowladda Britain ee QM ayaa iyagana sheegay inay Dowladda Eritrea diiday inay iskaashi la yeeshaan Kooxda Baarayaasha, taasi oo keentay inay Guddiga waayeen hab kale oo ay ku xaqiijin karaan inay Eritrea taageerto Alshabaab iyo Kooxaha kale iyo in kale.

Wakiilka Ethiopia ee QM ayaa soo jeediyay in Guddigaas loo oggolaado inay booqdaan Dhulka Xuduudka ee ay isku hayaan Ethiopia iyo Eritrea 

Madaxdii ka hadashay kullanka ayaa waxaa ay kala metelayeen dalalka Senegal, Egypt, China, Sweden, Ukraine, Japan, Uruguay, Italy and Bolivia.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia