4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2017
Dowladda oo qaban-qaabineysa shirka u dhexeeya Dowladda federaalka iyo maamullada dalka

 
Sabti, April, 15, 2017 (HOL) –Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa in magaalladda Muqdishu uu ka furmo, shirka u dhexeeya Dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada Dalka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegeysa in shirka uu furmayo maanta oo Sabti ah.

Ajandayaasha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah, sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada Dalka u dhexeeya, arrimaha ammaanka iyo sidii Ajenda mideysan looga qaadan lahaa kullanka la filayo inuu dhawaan ka dhaco magaalladda London ee dalka Ingiriiska.

Shirka London Somalia Conference ee bisha May ka furmaya magaalladda London, ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, sida ammaanka, dowlad-wanaaga, arrimaha abaaraha iyo dimuqraadiyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Britain ay safka hore kaga jirta waddamada sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya, waxana ay gacan weyn ka geysataa taageerada dhaqaale iyo tan Ciidan ee Dowladda Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer magaalladda London ku qabatay shirar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Shirka maanta lagu wado in uu ka furmo caasimada Soomaaliya, ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeyb-galaan dhamaan madaxweynayaasha maamullada dalka ka jira, waxaana horay magaalladda usoo gaaray qaar ka mid ah madaxda iyadoo inta harsana la filayo in saacadaha soo socda ay yimaadaan si ay uga qeyb-galaan shirka.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia