4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2017
Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka oo sheegay in howlgal ay bilaabayaan dhawaan

 
Sabti, April, 15, 2017 (HOL) –Taliyaha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka Ismaaciil Saxardiid, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay yihiin kuwo heegan ugu jira sidii ay u qaadi lahaayeen howlgal ka dhan ah Xarakadda Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa saldhigyo ku leh deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

“Ciidanka diyaar ayeey u yihiin in ay qaadaan dagaal xooggan oo ka dhan ah Al Shabaab”, ayuu yiri taliyaha.

Dhinaca kale Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in muhiim ay tahay in shacabka ku nool degaanada Jubbooyinka ay taageeraan howlgalka lagula dagaalamayo Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka, ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo ciidan, waxaana dhawaan dagaalo ay kula galeen Al Shabaab deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Al Shabaab ayaa deegaanada saldhigyada ay ku leeyihiin waxaa ka mid ah deegaanka Kaanjaroon oo qiyaastii 60km koonfur ka xiga magaalladda Kismaayo, halkaas oo dhawaan diyaarado dagaal ay duqeeyeen. 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in mudo laba sano ah ay dalka uga saari doonaan Al Shabaab.

Ciidamada maamulka Jubbaland, kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, ayaa dagaal wada jir ah kula jira Al Shabaabka ka dagaalamaya deegaano hoos yimaada maamulka Jubbaland.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia