4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 15, 2017
Diyaarado dagaal oo duqeeyay degaanka Ceel-Cade ee Gobolka Gedo

 
Sabti, April, 15, 2017 (HOL) –Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in xalay ay duqeyeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Duqeynta ayaa lala beegsaday Saldhigyo Al-shabaab ay leeyihiin, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Diyaaradaha duqeynta fuliyay ayaa loo maleynayaa in ay yihiin kuwa dowladda Kenya, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Dadka ku dhaqan deegaanka Ceel Cade, ayaa sheegay in ay maqleen madaafiic xooggan oo ku dheceysa meel uu ku yaallo saldhiga Al Shabaab ay maamulaan.

Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ayaa ah Saldhiggii Ciidamada Kenya looga dilay in ka badan 100 Askari sanadkii hore.

12-kii bishan April, Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya, ayaa duqeeyay saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose ee koofurta Soomaaliya.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Kaanjaroon oo qiyaastii 60km koonfur ka xiga magaalladda Kismaayo.

Sidoo kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyeen degaanka Beer-naas, oo 60km u jira magaalladda Kismaayo.

Deegaannada ayaa waxaa maamulla Xarakadda Al Shabaab.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiraan war ka soo baxay Xarakadda Al Shabaab ee Soomaaliya.

Al shabaab ayaa ku xooggan qeybo ka mid ah Jubbooyinka, waxaana dhawaan dagaal xooggan oo u dhexeeya Al Shabaab iyo ciidanka Kenya uu ka dhacay deegaanka Kudhaa.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia