4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2017
Qaramada Midoobey oo sheegtay tirada dadka u dhintay cudurka shuban biyoodka dalka Soomaaliya

Jimco, April, 14, 2017 (HOL) - Qaramada Madoobey ayaa sheegtay in tan iyo markii ay abaaraha ku dhufatay qaybo ka mid ah Soomaaliya ay cudurrada daacuunka iyo shuban biyoodka u dhinteen 500 Qof, halka kumanaan kalana la ildaran yihiin.

Hay’adda QM u qaabilsan caafimaadka WHO ayaa walaac ka muujisay nolosha 25,000 oo haatan la liita xanuunno, waxayna intaa ku dartay inay xaaladda ka sii dari karto tan iyo dabayaaqada Bisha June ee soo socota.

WHO ayaa dhankeeda ku sheegtay tan iyo billoowgii Sanadkan inay dadka u geeriyooday Daacuunka iyo Shubanku gaarayaan 524, halka hay’adda bini’aaddannimada ee QM (UN-OCHA) ay ku tilmaantay in ay dhimmashada gaareyso, 533 oo Qof.

Hay’adda ayaa sheegtay ugu danbeyntii in dad badan oo ku nool aduunka dacaladiisa ku nool in ay sanad walba u dhintaan biyo wasakhaysan oo ay cabeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]