4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 14, 2017
Amniga Kenya oo la adkeynayo inta lagu gudajiro dabaaldaga ciida Easter -ka

Jimco, April, 14, 2017 (HOL) – Amniga dalka Kenya ayaa siweyn loo adkeeyaan sababo la xiriira dabaaldaga munaasabadaha ciida Easterka, waxaana dadka looga digay in ay taxadiraan.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in ay jirto cabsi laga qabo rag hore ay liiska argagaxisada ugu dartay dowlada Kenya kuwaasoo tababaro ku soo qaatay dalka Soomaaliya inay gudaha u soo galeen dalka Kenya ayna qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Habib Karongo oo loo yaqaan Jureyj, Juma Were, Mohamed Tajir, Abdullahi Jarso Kotola, Gufu Tari Gufu and Fuad Abubakar Manswab, Abubakar Abdikadir Abubakar,Issa Abdalla Kauni iyo Ahmed Said Omar.

George Kinoti afhayeenka ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay hayaan war ku saabsan in raggan ay la soo xiriireen qoysaskooda ayna doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan dalka Kenya.

Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay goobaha lagu cibaadeysto,baararka,boosteejooyinka basaska iyo tareenada laga raaco in ammaankooda si gaar ah loo ilaalin doono.

Kenya waxaa horay weeraro khasaare sababay horay uga geystay ururka Alshabaab iyadoo sidoo kale ururka Alshabaab uu weeraro ku qaaday saldhigyada ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]