4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 14, 2017
Shir wadatashi ah oo dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada beri uga furmaya Muqdisho

 

Jimco, April, 14, 2017 (HOL) – Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya qaban-qaabada shir wadatashi ah oo maalinta beri ay uga furmaya mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleeyada dalka ka dhisan.

Qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul gobolleedyada ayaa durbaba soo gaaraya Muqdisho, halka kuwa kalana la filayo in ay yimaadaan saacadaha nagu soo foolka leh.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulanka shir guddoomin doonaa ayaa la filayaa in looga hadlo xoojinta xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii ajenda mideysan looga qaadan lahaa kulanka la filayo in uu dhawaan ka dhaco magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Ujeedada kulanka dowladda dhexe iyo madaxda maamul gobolleedyada dalka ayaa sidoo kale lagu sheegay sidii meesha looga saari lahaa is bar bar yaaca madaxda Soomaalida marka ay jiraan kulamada heerka caalami ah ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya, waxaana muuqata in mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda federaalka ku tirtirsiinayaan hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada in shirka iyo ajendaha lala tagayo intaba looga danbeeyo dowladda dhexe.

 

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo ka mid ah madaxda maamul gobolleeyada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Divid Concar oo ay ka wada hadleen arimo la xiriira shirka bisha danbe ka furmaya magaalada London.

Safiirka dowladda UK ayaa ku bogaadiyay maamulka Jubbaland sugida amniga iyo waliba sida ay diyaarka u yihiin bur burinta kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

Britain ayaa dhowr jeer oo hore soo qabanqaabisay kulamo heer caalami ah oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka mid tahay dowladdaha taageerada dhaqaale siiya Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]