4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2017
Ciyaarahii Soomaalida Columbus Ohio oo shalay furmay

Jimco, April, 14, 2017 (HOL) –Xili kasta waqtigaan  oo kale waxaa magaalada Columbus ee gobalka Ohio lagu qabtaa koobka ciyaaraha garoomada dedan ee Soomaalida. kaasi oo loogu yeero CISC: Columbus Indoor Soccer Cup.

Koobkan oo la qabanayo sandkiisii 17naad ayaa waxaa ku kulma ciyaartoydii barisamaadkii iyo dhalinyaradda qurbaha ku  koray oo xiisaya qaybaha kala duwan ee isboortiga , waxaana  kulamadaan oo socda mudo 4 cisho ah wada ciyaaro kooxaha soomaalida ee  gobalada dalkan Mareykanka iyo  Canada.

Ciyaaraha Ohio
Ciyaaraha Ohio
Ciyaaraha Ohio 2
Furitaanka Ciyaaraha Columbus 2017
Furitaanka Ciyaaraha Columbus 2017 1
Furitaanka Ciyaaraha Columbus 2017 1
Koobka oo shalay furmay ayna ka soo qeyb galeen 17 kooxdood oo kala duwan oo ciyaaarahan ka qeybgalaya, tartankaan ayaa waxa uu socon doonaa ilaa iyo maalinta Axadda ee foodda nagu soo heysa ,waxaana koobka hada loo tartamayo sanadkii hore ku guulaystay koox ka socatay Magaaladda Seatle ee gobolka Washington.

Shalay waxaa lagu furay ciyaaraha Kooxaha  Somali Tigers oo Minnesota ka dhisan iyo FC North Stars oo ka socday Columbus Ohio waxayna guushii ku  raacday  5 iyo 4 kooxda North Stars, ciyaartii xigtay oo ay wada ciyaareen Twins City Stars Iyo Halgan United oo Minnesota ka wada yimi ayaa ku kala baxay barbardhac 3 iyo 3 ah.

Bashiir Maxamuud Cilmi oo loo yaqaano Bashiir Geelle oo ah madaxa gudiga qabanqaabada ciyaarahaan ayaa HOL u  sheegay in sanadkaan uu yahay sanadkii ugu kooxaha badnaa intii ciyaarahaan la qabanaayay.

Xafladii furitaanka Ciyaaraha ayaa waxaa ka hadlay Scott Birthlowe  oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska ee magaaladda Columbus . Sarkaalka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay  tartankaan isboorti oo bulshadaan isku keenay, waxuuna sii raaciyey inuu wado qorshe  ay ku doonayaan inay ku qortaan Askarigii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ka mid noqda Booliiska magaaladda Columbus,
Scott Birthlowe  waxa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay waraaqaha codsiga shaqada soo buuxiyaan, isagoo xusay in fursadaan u banaan tahay qof kasta oo Soomaali ah ee dagan dalkaan Maraykanka

 

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN