4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2017
Faafaahin: Nabadoon caan ahaa oo xalay lagu Dilay magaalladda Muqdisho

 
Jimco, April, 14, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalladda Muqdishu ku dilay Nabadoon caan ah, oo ka mid ahaa Ergadii wax ka dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. sida dad goob-joogayaal ah ay u sheegeen Hiiraan Online.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jimcaale Doon-Gaalle, waxaana dilkiisa uu ka dhacay nawaaxiga Isgooyska labo-dhagax ee Muqdishu.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalladda Cadaado ee xaruunta kumeel-gaarka maamulka Galmudug.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ku hubeysan Bistoolado, waxaana ay ka baxsadeen goobta markii dilka ay geysteen kadib.

Ciidanka dowladda ayaa gaaray halkii dilka uu ka dhacay waxaana ay sameeyeen howlgallo, balse uma suuragelin in ay helaan dableeydii dilka geystay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka Nabadoon Jimcaale Doon-Gaalle.

Bilihii lasoo dhaafay, waxaa beegsi lagu hayay Ergadii ka qeyb-qaadatay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay caasimadaha maamul-goboleedyada dalka Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia