4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2017
Al Shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen in ay ka soo goosteen Dowladda Soomaaliya

 
Jimco, April, 14, 2017 (HOL) –Xarakadda Al Shabaab ee Soomaaliya, ayaa soo bandhigay ku dhowaad 10 askari oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen Ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, sida hadalka ay u dhigeen.

Al shabaab ayaa askarta ku soo bandhigay Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kooxda ayaa baraheeda warbaahineed ku faafisay in askarta ka soo goostay dowladda ay u sameyn doonnaan dhaqan celin.

Ma jirto war ka madaxbanaan Al Shabaab oo xaqiijiyay askarta soo goosatay iyo tira ahaan inta ay gaarayaan.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan saraakiisha ciidamadda ee ku sugan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, wali kama aysan hadlin warka ku saabsan askartaasi.

Qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa maamula Al Shabaab.

Dhinaca kale ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda sidan oo kale usoo bandhiga askar ka tirsan Al Shabaab oo ciidanka dowladda usoo gala.

12-kii bishan April,  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabada xuska 57 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladda diyaar u tahay wadahadal lala galo madaxda Al-shabaab.

‘’Waxaan leenahay hogaamiyaasha Al-shabaab mudo 10 sano ka badan ayaa dagaalameyseen, waxa aad leyneysaan oo aad hantidooda bur burineysaan waa dadkiinii, hubka iska dhiga oo noo imaada, waxaan diyaar u nahay in aan wada xaajood idinla furmo", ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

‘’Dowladda waxaa ka go’an in mudo labo sano ah ku soo afjarto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, haddii aysan u dhaganuglaan baaqa dowladda ee ah in ay hubka iska dhigaan wada xaajoodkana aqbalaan goobaha ay joogaan ayaan ugu tagi doonnaa’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia