4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2017
Qaramada Midoobay oo ka digtay in cudurka daacuunka uu ka dilaaco Soomaaliya

 Khamiis, 13, 2017 (HOL) – Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digaysa in Soomaaliya uu ka dilaaco daacuun bilaha soo socda, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee Reuters.

WHO ayaa sheegtay in 25,000 oo ruux uu hadda ku dhacay shuban lagana yaabo in tiradaasi ay sii korodho waqtiyada soo socda.

Boqolkii ruux ee kasta ee uu xannuunkan ku dhaco  labaatan ka mid ah ayaa la sheegay in ay dhinteen.

Wakaaladda wararka ee Reuters waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la diiwaan galiyay 533 ruux oo geeriyooday.

Hay’dda WHO ayaa war ay soo saartay ka digtay halista ka dhalata biyaha wasakhaysan ee la cabo, waxay sheegtay dad badan oo adduunka dacaladiisa ku nool ay sanad walba u dhintaan biyo wasakhaysan oo oo ay cabeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]