4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2017
Shirweynihii ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan oo ka furmay magaalada Beledweyne


Khamiis, 13, 2017 (HOL) –Waxaa ka furmay magaalada Beledweyne shirweyihii ururka dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo ay ka soo qeybgaleen dhalinyaro inta badan isaga kala timid degmooyinka gobolka Hiiraan.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, oo ku bogaadiyay ururka dhalinyarrada sida ay isugu howleen isku xirka dhalinyarrada guud ahaan ku dhaqan gobolka.

Ajandaha shirweynaha ayaa lagu sheegay Hormarinta Dhalinyarada iyo doorka ay ka qaadan karaan dib u dhiska dala, madaama dhalinyarradu yihiin lafdharta bulshada.

Mas’uuliyiinta maamulka heer gobol degmo oo khubado ka jeediyay kulanka ayaa ugu baaqay dhalinyarrada in ay mar walba ka fogaadaan qabyaalada, kana shaqeeyaan xoojinta nabada.

Shirweynahan ooo qabanqaabiyay ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa in uu sii socdo maalmaha nagu soo foolka leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]