4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2017
Puntland oo Xabsiga ka sii daysay labo nin oo Burcad badeed ah

Sawirka Taliye Cali Nuur.


Khamiis, April, 13, 2017 (HOL) –Maamulka Puntland ayaa xabsiga ka sii daayay labo qof oo burcad badeed ah ,kuwaasi oo ku xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso ,waxaana la sheegay in lagu sii daayay damaanad sida laga soo xigtay taliska asluubta.

Taliyaha ciidanka asluubta Puntland Cali Nuur Cumar Saalax ayaa sheegay in labadan qof ay qabeen xanuuno dhanka jirka ah , isla markaana laga cabsaday in ay u sii gudbiyaan maxaabiista kale ee xiran xabsiga.

"Labada qof midna AIDS buu qabay , mid-na beerka ayaa ka xanuunsanayay sidaa awgeed ayey-na banaanka u joogaan , cid walbaana waa ay ogtahay " ayuu yiri taliyaha oo la hadlyay warbaahinta gobolka Bari.

"Annagu markii aan ogaanay in xanuunkan ay qabaan waxaanu u gudbinay xeer- ilaaliyaha guud ,isagana waxaa uu u sii gudbiyay maxkamad-da sare sidaaa ayaana lagu sii daayay  " ayuu mar kale yiri Cali Nuur.

Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland ayaa sheegay inay arrintan ay ka war- hayaan hay'adaha caalamiga ah ee koontaroola maxaabiista loo haysto danbiyada la xiriira burcad- badeedn-imada.

Ugu danbayn,wali waxaa xabsiyada Puntland ku jira tiro burcad badeed ah ,kuwaasi oo lagu soo qab-qabtay howl-galo kala duwan ,waxaana Taliye Cali Nuur uu sheegay in maxbuuskii xaalad caafimaad ay la soo dirsato ay si gooni ah u eegaan kiiskiisa

Faysal M. Hassan
[email protected]