4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2017
Dowladda Hindiya oo ka hadashay hawlgalkii lagu badbaadiyey badmaaxiintii lagu haystay xeebaha Soomaaliya

 
Khamiis, April, 13, 2017 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka India Sushma Swaraj, ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin Hawlgalkii lagu soo badbaadiyey 10-kii Badmaaxe ee la socotay Doonidii Ganaacsiga ee lagu haystay Xeebta Degmadda Hobyo ee Gobalka Mudug.

“Waxaan u mahadcelineynaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maamulka Galmudug  iyo shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo iska kaashaday sidii deysmada badmaaxiyiinta”, sidaasi ayeey kusoo qortay Barteeda Twitter-ka.

 
Koox burcad-Baddeed Soomaali ah ayaa 31-kii bishii March werarray Doon Al Kausar la yiraahdo iyo 10 kama ah shaqaalihii saarnaa.

Dhinaca kale, Kabtanka Doonida la sii daayey ayaa sheegay inaysan Burcad-baddeeda kula dhaqmin wax Tacadi ah muddadii ay u afduubnaayeen.

Kabtanka oo lagu magacaabo Saalim Osman oo isagoo gaari la saaran Duqa magaalladda Hobyo,. C/llaahi Axmed Cali la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Ciiddanka Ammanka Galmudug soo wada badbaadiyeen Badmaaxiinta.

Duqa magaalladda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa shalay oo Arbaco aheyd  sheegay in ay soo furteen 8 Hindi ah oo la socday Doon ay afduubteen kooxaha burcad-baddeeda Soomaalidda.

Doonta iyo shaqaalihii saarnaa ayaa lagu heystay dhinaca berriga degmadda Hobyo.

Maamulka degmadda ayaa sheegay in ay xireen afar ka tirsan burcad-baddeedii  haysatay raggaasi.

Waxaa la xaqiijiyay inaysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka, islamarkaana muwaadiniintii u dhalatay hindiya ay badqabaan dhamaantood.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Ilaalada xeebaha maamulka Galmudug Maxamed Yuusuf Xaashi, ayaa Maanta sheegay in koox burcad-baddeed ah oo ciidamadooda gacanta ugu jira in ay maxkamadeeyn doonaan dhawaan.

Ciidamada Galmudug ayaa gacanta ku haya sida ay sheegeen 4 ka tirsan koox Burcad-Baddeed ah oo horey u Afduubtay Doon u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan magaalladda Kismaayo.

Burcad-Baddeeda ayaa hadda waxaa ay ku xiranyihiin xabsi ku yaalla Degmada Hibyo.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in Burcad-Baddeeda loo sii gudbin doono Maxkamadda Gobolka, si halkaasi loogu maxkamadeeyo.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia