4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2017
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo maanta xukun riday

 

Khamiis, April, 13, 2017 (HOL) –Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka xukun min 10 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay, laba ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al Shabaab.

Maxkamadda ayaa ku eedeysay labada ruux oo lagu kala magacaabo Maxamed Cali Kediye iyo Xuseen Xaashi Cabdullahi, in lagu soo qabtay iyaga oo wada gaari ay ka buuxaan waxyaabaha Qarxa.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda.

“Ciidanka ayaa deegaanka Godinlabe, 19-kii bishii 3-aad 2017, ka soo qabtay labada qof,  iyaga oo gaari Hoomeey ah ku wada “Jirgaamo ay ku jiraan waxyaabo Qarxa”, sidaasi waxaa Maxkamadda ka hor aqriyay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida

Mudane Shuute, ayaa dhinaca kale sheegay qofkii aan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda in racfaan uu ka qaadan karo xukunkaasi.

Raggaan xukunka lagu riday ayaa horay waxaa gacanta ugu soo dhigay ciidamada maamulka Galmudug, kadibna u soo gudbiyay maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Darajada Koowaad ee Dowladda Federalka Somaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia