4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 13, 2017
10-kii maalmood ee lasoo dhaafay imisa qof oo shacab ah ayaa ku dhintay “Weerarradii” Somalia ka dhacay?


Khamiis, April, 13, 2017 (HOL) –10-kii maalmood ee lasoo dhaafay weerarro is-daba joog ah ayaa ka dhacay Soomaaliya, haba ugu badnaadaanee kuwii ka dhacay magaalladda Muqdishu.

28-qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday weerarradaasi, halka 31 kalana ay ku dhaawacmeen.

Weerarrada ayaa intooda badan waxaa ay ka dheceen meelo ay dadka rayidka ah ay ku badanyihiin, sida Maqaayadaha, Suuqyada ama gaari “Bas” haleela Qarax.

09-kii bishan April, 2017 ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeryootay, halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax gaari loo adeegsaday uu ka dhacay meel u dhow wasaaradda Gaashaandhigga ee ku taalla magaalladda Muqdishu.

Dadka ku geeryooday qaraxa waxaa ay u badnaayeen dad rayid ah oo saarnaa gaari nooca Hoomeyda ah oo mareysay wadada, xiligii uu qaraxa dhacaayay.

06 bishan April, 06, 2017,  Gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad rayid ah ayaa miino kula qaraxday deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu yaraan 20 Qof ayaa ku dhimatay qarax lala beegsaday gaariga nooca loo yaqaano caasiga.

Gaariga ayaa ka soo baxay magaalada Buulamareer ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana uu ku sii jeeday magaalada Marka ee xarunta gobolka.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuure, ayaa sheegay in gaarigaasi ay saarnaayeen 21 qof uu darawalkii oo kaliya ka badbaaday, intii kalena at noqdeen wax dhinto iyo wax dhaawacmo.

Maqaayadaha sanadkan Qaraxyada ay ka dheceen waxaa ka mid ah, Maqaayada Banooda oo ku dhow taallada Xaawa Taako iyo Maqaayad ka soo horjeeda Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha oo ku dhow wasaaradda Amniga Gudaha.

Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya SRSG Ambassador Keating, ayaa cambaareeyey qaraxyada dadka rayidka ah ay ku waxyeeloobayaan ee mar kasta ka dhacay Soomaaaliya.

"Weerarrada lagu qaadayo dadka rayidka ah waa kuwo aan loo cudur daari karin. Waxaan si gaar ah murugada ula qeybsanayaa carruurta naftooda ku waayay Qaraxyada. Tani waa jid qalloocan oo ka baxsan bani’aadanimada,  raadna kuma lahan raadinta siyaasada, lagumana guuleysanayo” Keating ayaa sidaasi yiri.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia