4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 12, 2017
Midowga Yurub oo siweyn uga hor yimid dilkii Puntland ay ku fulisay shan dhalinyaro ah

 

Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) - Ururka midowga Yurub ayaa qoraal ka soo baxay waxaa siweyn looga soo horjeestay dilkii dhawaan maamulka Puntland uu ku fuliyay shan dhalinyaro Soomaali ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Warkan ka soo baxay midowga Yurub ayaa lagu sheegay in xukunka dilka marnaba aheyn qaab ciqaabeed baajinaya fal danbiyeedka, iyaga oo intaa ku daray in ciqaabta dilka tahay arin marka la eego ka baxsan sida ay hadalka u dhigeen bani’aadannimada.

Laakiin dhinaca kale midowga Yurub ayaa qoraalkooda ku sheegay in sida ugu weyn ay u cambaareynayaan falalka wax ay ugu yeereen argagixisada iyo cid kasta oo taageerta.

Hasse ahaatee walaaca ugu balaaran ayeey ka muujiyeen isticmaalka ciqaabta dilka ah ee ay adeegsadana Maxkamadaha ciidamada Soomaaliya.

Waxaa ay ugu baaqeen Puntland iyo dowladda dhexe intaba in ay si kumeel gaar ah u hakiso xukunada dilka isla markaana ay xaqiijiso in dadka rayidka ah la saaro maxkamadaha rayidka.

Waxaa ay ugu danbeyntii ay sheegeen in ay ka go’an tahay xoojinta nidaamka garsoorka Soomaaliya iyo horumarinka dhaqanka sharciga iyo cadaalada, waxaana ay ugu baaqeen maamulada Soomaalida in la joojiyo isticmaalka ciqaabta dilka.

Hadalka ka soo yeeray ururka midowga Yurub ayaa imanaya xili marar badan oo hore sidan oo kale maxkamadaha ciidamada dalka dhalinyaro ugu fuliyeen xukunno dil ah, kuwaa oo qaarkood ku eedeynaa ka tirsanaanta ururka Al-shabaab iyo kuwa kale oo qirtay in ay falal dil ah geysteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]