4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 12, 2017
La taliyihii madaxweyne Siilaanyo ee doorashooyinka iyo arrimaha xisbiyadda oo maanta is casilay

 

Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) - La taliyihii hore ee madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha xisbiyadda C/laahi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha u hayey iyo xilkii xisbiga kulmiye uu ka hayey.

Cabdilaahi Jawaan ayaa sheegay dhaliilay nidaamka lagu doonayo inay doorasho u dhacdo,isla markaana ka hor yimid in guddida doorashooyinka loo sameeyo Musdambeed kaba guddida doorashooyinka oo uu hore madaxweynuhu usheegay inuu guddi musdambeed ah oo taageera guddida doorashooyinka samayn donna.

“Markii aan arkay in taladayda la qaadanayn wuxuu damiirku I siin waayey inaan sii joogo waana ka fadhiistay ama ka joogsaday xilkii aan hayey”ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan jeclahay in aan maanta ka hadlo xil aan u hayey umadda oo ahaa la taliyaha madaxweynaha hawlaha doorashooyinka iyo arrimaha xisbiyadda oo aan muddo sanad iyo afar bilood ah hayey oo aan iska casilay, waxa kale oo aan iska casilay xubinimaddii xisbiga kulmiye aan k ahaa”ayuu yidhi la taliyihii hore ee madaxweynaha C/laahi Jawaan.

“Wasiirka madaxtooyadda waa Ra’isal wasaare aan sharci lahayn isaga hawsha oo dhan wadda, isaga wasiiraddii kuyuu ugu jiraan”ayuu yidhi

Cabdilaahi Jawaan ayaa ka mid siyaasiyiinta waaweyn ee reer Somaliland,isla markaana saamaynta ku leh deegaanadda uu ka soo jeeddo, waxaanu hore xilal uga soo qabtay xukuumadda madaxweyne Cigaal.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.