4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 12, 2017
Madaxweyne Farmaajo : Waxaan diyaar u nahay in aan wada hadal la furno madaxda Al-shabaab

 

Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khubad ka jeedinayay munaasabada xuska 57 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladda diyaar u tahay wadahadal lala galo madaxda Al-shabaab.

‘’Waxaan leenahay hogaamiyayaasha Al-shabaab mudo 10 sano ka badan ayaa dagaalameyseen, waxa aad leyneysaan oo aad hantidooda bur burineysaan waa dadkiinii, hubka iska dhiga oo noo imaada, waxaa diyaar u nahay in aan wada xaajood idinla furmo ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Laakiin dhinaca madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay ay socdaan qorshayaal sida uu hadalka u dhigay mudo labo sano ah lagu soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

‘’Dowladda waxaa ka go’an in mudo labo sano ah ku soo afjarto dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab, haddii aysan u dhaganuglaan baaqa dowladda ee ah in ay hubka iska dhigaan wada xaajoodkana aqbalaan goobaha ay joogaan ayaan ugu tagi doonnaa’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay in uusan iclaamin dagaal, hasse ahaatee dhawaan warbaahinta ka sii daayay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, isaga oo arintaa ku fasiray baraarujin.

‘’ Waxaad ogtihii dhawaan in aan iclaamiyay dagaal, anniga dagaal ma iclaamin ee waxaan sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, taasoo ujeedadeedu aheyd in dadka hurada laga kiciyo’ ayuu intaa ku darray madaxweynaha.

Waa markii ugu horeysay oo madaxweynaha Farmaajo uu ku dhawaaqo wada xaajood iyo wada hadal ay la furayaan hogaamiyayaasha iyo madaxda ururka Al-shabaab oo dagaal ba’an kula jira dowladda iyo ciidamada howlgalka AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]