4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2017
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb-galay xuska 12-ka April oo Muqdishu lagu qabtay

 
Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) –Maanta magaalladda Muqdishu waxaa lagu qabtay Munaasabad loogu dabaal degayay xuska 57 guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed oo ku beegan 12-ka April.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, Wasiirka Difaaca, Wasiiro, Xildhibaanno, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu qabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalladda Muqdishu.

Ugu horey waxaa munaasabada ka hadlay Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi, waxaana uu ka sheekeeyay taariikhda ciidanka xoogga dalka iyo ujeedooyinka laga lahaa aas aaskooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee ciidammada Qalabka sida Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dowladda ay si joogta ah u bixin doonto xaquuqda ay leeyihiin ciidamada, isagoo hambalyo ku aadan munaasabadda maanta u diray ciidamada xoogga dalka.

Mudane Farmaajo mar uu ka hadlayay arrimaha ku aadan la dagaalanka Al Shabaab waxaa uu yiri, “Aniga ma iclaaminin dagaal ee waxaan sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, waana inaa u diyar garownaa sidii aan dalkeenna uga qabsan  lahayn Al-Shabaab, dowladda waxaa ka go’an iyadoo dagaal ku jirta in ay dhaqaalaha kobciso, shaqo abuur sameyso,  dowladda iyo shacabka haddii ay meel ka soo wada jeestaan waan ku guuleysan karnaa hiigsigisaasi”.

Madaxweynaha ayaa u yeeray saraakiishii hoggaamineysay dagaalkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho sanadkii 2011, intii ay socotay munaasabadda xuska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in ragga uu u yeeray ay yihiin saraakiishii ugu hoggaanka fiicneyd, sidaas darteed waxa ay markale  sameyn doonaan qorshe adag oo ka dhan ah Al-Shabaab, si dalka looga saaro.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa yiri, ‘’Dowladda waxaa ka go’an in mudo labo sano ah ku soo afjarto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, haddii aysan u dhaganuglaan baaqa dowladda ee ah in ay hubka iska dhigaan wada xaajoodka aqbalaan goobaha ay joogaan ayaan ugu tagi doonnaa’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

12-ka Abriil ee sanadkasta ayaa waxaa loo dabaal dagaa xuska maalinta xoogga dalka oo ah maalintii dhidibada loo aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, waxaana munaasabad maalintaasi lagu weyneynayo sanadkasta lagu qabtaa gobollada dalka, si dib loogu xasuusto sooma jeestayaasha qaranka Soomaaliyeed ee naftooda u hibeeyay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12-ka Abriil sanadka 2017, ayaa waxaa gobollada dalka iyo magaalladda Muqdishu ka dhacay dabaaldagyo lagu weyneynayo xuska maalinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ah maalin qiimo weyn u leh bahweynta ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

12-kii April ee sanadkii 1960-kii ayay ahayd markii dhidibada loo aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadkaan 56-sano jirsad.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia