4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2017
Jaacadda Minnesota oo lagu soo bandhigay Buug uu qoray Prof. Samatar
Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) –Jaamacadda Gobalka Minnesota ayaa shalay waxaa lagu soo bandhigay buugga Dimuquraadiyaddii ugu Horreysay Afrika ee uu qoray Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga isla Jaamacadda Minnesota.

Xafladdan oo uu Mudane Samatar bulshada ugu saxiixayay buuggiisa, ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Jaamacadda Minnesota, Arday iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota. Dadkii ka hadlay madasha waxaa ka mid ahaa, Robert T. Kudrle oo ka tirsan Jaamacadda oo sheegay in Soomaalida iyo Jaamacadda Minnesota uu xiriir wanaagsani ka dhaxeeyo.

Sidoo kale waxaa isna munaasabadda oo lagu qabtay qeybta Humphery ee Jaamacaadda Minnesota ka hadlay, Prof. John Adams oo si dhow ay isu yaqaanaan  Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. John Adamas waxa uu aad ugu dheeraaday taariikhda iyo dadaalkii dheeraa ee uu Mudane Samatar usoo galay waxbarashadiisa, waxa uuna xusay inuu door muhiim ah ku leeyahay Jaamacadda Minnesota.


Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ugu danbeyntii la hadlay bulshadii isugu timid inay wax ka ogaato buuggiisa uu dhawaan qoray ee Dimuquraaddiyaddii ugu Horreysay ee Afrika, oo markii ugu horreysay lagu soo bandhigay gobalka Minnesota. Prof. Samatar waxa uu sheegay in buuggiisu uu ku saabsan yahay biloowgii hore ee dimuguraadiyadda Soomaaliya, oo ay hormuud u ahaayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Adan Cabdulle Cismaan iyo Raysul-wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

“Buuggani waxa uu ku tusayaa halgankii loo soo galay gobonimada woqooyi iyo koonfurba, dadku sidii ay isugu kalsoonaadeen, iimaanka iyo edebta la lahaa, iyo guushii aynu gaadhnay ee aheyd ineynu Afrika hormood ka noqono -marka ay noqoto sida loo maamulo wadan, sida dadkeeda loo ixtiraamo, sida looga tago shaqada marka dadku ay ku yiraahdaan na dhaaf” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil.

Prof. Samatar ayaa xusay inuu buuggani barayo caruurteena taariikhdii wanaagsaneyd ee ay Soomaalidu lahaan jirtay. Buugga oo afka Ingiriiska ku qoran ayuu Mudane Samatar waxa uu u rajeeyay bulshada Soomaalidu inay aqristaan si ay wax badan oo taariikhdooda ah u ogaadaan ugana faa’iidaan.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis MN