4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2017
Ciidamada Galmudug oo soo furtay Ajaaniib ay heysteen kooxaha Burcad-baddeeda Soomaalidda

 
Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) –Duqa magaalladda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in ay soo furteen 8 Hindi ah oo la socday Doon ay afduubteen kooxaha burcad-baddeeda Soomaalidda.

Doonta iyo shaqaalihii saarnaa ayaa lagu heystay dhinaca berriga degmadda Hobyo.

Maamulka degmadda ayaa sheegay in ay xireen afar ka tirsan burcad-baddeedii  haysatay raggaasi.

Waxaa la xaqiijiyay inaysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka, islamarkaana muwaadiniintii u dhalatay hindiya ay badqabaan dhamaantood.

Doontan ayaa waxa ay burcad-baddeeda ka afduubteen xeebaha Soomaaliya kowdii bishan April.

11 bishan April, maamulka Degmada Hobyo, ayaa sheegay in ay soo furteen Doon nooca ganacsiga ah oo gacanta ugu jirtay kooxaha Burcad-baddeed Soomaalidda.

Kooxdii heysatay doonta ayaa la sheegay in ay la baxsadeen shaqaalihii saarnaa, shaqaalahaasina waa kuwa hadda lasoo badbaadiyay.

Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaah Axmed Cali, ayaa sheegay in iyagoo Kaashanaya Guurtida Deegaanka ay soo furteen doon ganacsi oo ay xeebaha Galmudug ku heysteen kooxaha burcad-baddeedda Soomaalida.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia