4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2017
Wasiir ku-xigeenka Shaqada oo kullan la qaatay guddiga dabagalka dhaqan gelinta amarkii Raisul wasaaraha

 

Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) –Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray daba galka dhaqan galinta wareegtadii Ra’isul wasaaraha ee ahayd in shaqaalaha dowladda ay shaqada yimaadaan siddeeda subaxnimo (08:00), lagana bixi doono Afarta iyo barka galabnimo (04:30), sida waafaqsan qod. 26aad ee xeerka shaqaalaha Lr.11.

Kullankan oo ka dhacay xafiiska wasiir ku-xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa looga hadlay dhowr arrimood oo la xiriira shaqaalaha dowladda iyo in la hubiyo waqtiga shaqo galka.

Guddigaan ayaa shaqadooda daba galka iyo hubinta waqtiga shaqaaluhu soo galayaan shaqada waxaa uu ka bilaabay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaana uu guddigaasi mid mid u tagi doonaan Wasaaradaha.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Cabdilcasiis Saalax Carmaan ayaa u sheegay guddigga inuu xukuumadda u gudbin doono daruufaha badan ee shaqaalaha haysta, isla markaana wax badan laga qaban doono.

Wasiir ku-xigeenka iyo guddiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskuna raacay qodob ku saabsanaa in haweenka caruurta leh ee ka tirsan shaqaalaha dowlada laga qafiifiyo amarkan saacadaha shaqo galka, si ka duwan ragga si ay fursad ugu helaan nuujinta ubadkooda.

“Waxaan ka wada hadalnay oo aan xoogga saarnay in maadaama shaqaaluhu shaqo galayaan 8:00 subaxnimo kana baxayaan shaqada 4:30 galabnimo in miis qado loo sameeyo shaqaalaha, sidoo kale waxaan isla soo qaadnay in la shaqo galiyo shaqaalaha oo 100% 80 aan lagu shaqeyn “sidaas waxaa yiri mas'uul ka tirsan gudigga.

Gudigga ayaa sidoo kale waxaa uu kormeer ku tagay wasaaradaha howlaha guud, boostada iyo hay’ada badaha Soomaaliyeed waxaana ay hubinayeeen sida loo dhaqan galiyay wareegtada ra’isul wasaaraha xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre.

Halkaan ka aqriso amarkii Ra’iisul wasaare khayre:

09- bishan April, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan xiliga shaqada shaqaalaha dowladda ay bilaabaneyso iyo xiliga ay dhamaaneeyso.

Wareegtadda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay shaqada u bilaabaneyso siddeeda subaxnimo (08:00), lagana bixi doono Afarta iyo barka galabnimo (04:30), sida waafaqsan qod. 26aad ee xeerka shaqaalaha Lr.11.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in ujeedka loo adkeeyay jadwalka shaqada ay tahay ilaalinta barnaamijka xukuumadda iyo sida hay’addaha dowladda ay u fuliyaan adeegyada bulshada.

Tan iyo bur-burkii Soomaaliya ma jirin nidaam qeexaya jadwalka shaqada ay bilaabaneyso iyo xiliga ay ku egtahay, waxaana midaasi dhibaato xooggan ku qabay dadka adeegyada u doonta xafiisyada dowladda.

Maamo Farxiyo Maxamed, oo la hadashay Hiiraan Online, ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaraha uu muujiyay wadaniyad buuxda, waxaana ay ku amaantay talaabooyinka uu qaaday tan iyo markii la magacaabay.

"Keliya Ra'iisul wasaaraha ma xakameeyn jadwalka shaqada, sidoo kale waxaa dhawaan uu faray shaqaalaha dowladda in ay adeegsadaan Luuqada Afkeena Hooyo", Hooyo Farxiyo ayaa intaa hadalkeeda ku dartay. 

3-dii bishan, April, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray amarkii u horeeyay ee ku socda Hey’addaha dowladda, gaar ahaan Wasaaraddaha Xukuumaddiisa.

Amarkan ayaa faraya hay’addaha dowladda inay qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro luqada Af-Soomaaliga ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tallaabada ku tilmaamay mid lagu xoojinayo af-Soomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyay hoos u dhac ku imaanayay.
 
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia