4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 12, 2017
BELEDWEYNE : Aas aaskii ciidamada xoogga dalka 12 April oo la maamuusay


Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) – Ciidamada guutada 10aad ee fadhigoodu yahay magaalada Beledweyne ayaa maanta u dabaal-dagay 57 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegneyd 12 April sanadkii 1960kii.

Munaasabad siweyn loo soo qaban qaabiyay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kuwa howlgalka midowga Africa iyo marti sharaf kale.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Jeneraal Towane Axmed Gureey ayaa ku dheeraaday taariikhda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray ciidanka, gaar ahaan muhiimada uu u leeyahay ciidanka xoogga dalka difaaca dalka.

Dhamaan qeybihii kala duwanaa ee munaasabada ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed munaasabada 12ka April.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]