4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2017
Diyaaradaha dowladda Kenya oo duqeeyay saldhigyo Al Shabaab ay leeyihiin

 
Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) –Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya, ayaa duqeeyay saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose ee Koofurta Soomaaliya.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Kaanjaroon oo qiyaastii 60km koonfur ka xiga Magaalladda Kismaayo.

Sidoo kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyeen deegaanka Beer-naas, oo 60km u jira Magaalladda Kismaayo.

Deegaannada ayaa waxaa maamulla Xarakadda Al Shabaab, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiraan war ka soo baxay Xarakadda Al Shabaab ee Soomaaliya.

Al shabaab ayaa ku xooggan qeybo ka mid ah Jubbooyinka, waxaana dhawaan dagaal xooggan oo u dhexeeya Al Shabaab iyo ciidanka Kenya uu ka dhacay deegaanka Kudhaa.

Shalay oo Talaado aheeyd ayaa saraakiisha dowladda Kenya, waxaa ay sheegeen in howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-waaq ee gobolka Gedo ku dileen 15 ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay militariga dowladda Kenya oo lagu magacaabo Col. Joseph Owuoth ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ay dileen dagaalyahanada Al Shabaab ka tirsan.

Col. Joseph ayaa intaa ku darray in sidoo kale howlgalka lagu bur-buriyay gawaari iyo hub ay adeegsanayeen xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa inta badan howlgalo joogta ka sameeya deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay ku xoogan yihiin xarrakada Al-shabaab.

Horaantii bishan April, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu dalku galay xaalad dagaal, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan hawlgallada ka dhanka Shabaab.

“Waxaan iclaaminayaa in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, daagaalkana uusan noqon doonin mid hal dhinac ah. Waxaan amar ku siinnay ciidamada qalabka sida in ay heegan galaan oo ay ka qeyb qaataan nabadeynta dalka. Dagaalkan ma aha mid ciidamada oo kaliya ay qaadayaan. Waa mid aan rabno in ay shacabka garab nagu siiyaan.”

Madaxweynaha oo ku labisnaaa dharka ciidanka ayaa farriin u diray dagaalyahanada Al Shabaab, isaga oo u ballan qaaday in ay heli doonaan daryeel iyo soo dhaweyn haddii ay ka tanaasulaan falalka aragixisnimada ah.

“Waxaan rabaa inaan baaq cafis ah u diro dhallinyarada Soomaaliyeed ee Al Shabaab ka tirsan. Dowladdu waxay ku soo dhaweyneeysaa gacmo furan, waxaan siineynaa waxbarasho ,waxaana u abuureynaa shaqooyin. Ma dooneyno inaan layno dhallinyaradeenna. Waxaan mar kale idinku baaqeynaa in aad kasoo tagtaan Al Shabaab sida ugu dhakhsiyaha badan. Waxaad haysatan muddo 60 cisho ah.” 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia