4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2017
Dowladda Imaaraaka oo ku dhawaaqday barnaamij gar-gaar lagu gaarsiinayo dadka Abaaraha ay saameeyeen ee Soomaaliya

 

Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) –Dowladda Imaaraadka carabta ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo gar-gaar bani’aadanimo lagu gaarsiinayo dadka  Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.

Barnaamijka cusub ayaa dowladda ay sheegtay in loogu magac daray ((li'ajligaada soomaaliyeey - لأجلك يا صومال  For Your Sake SOMALIA 🇸🇴)), waxaana taakuleyntaasi iyo ololaha gar-gaar, ka wada qeyb-qaadan doonna, Dowladda Imaaraadka iyo shacabkeeda, ganacsatada Soomaalidda ee dalkaasi iyo hay'addaha gar-gaarka ka shaqeeya.

Dowladda Imaaraadka ayaa qorsheysay lacag gaareysa Boqol Milyan oo dirham, oo loogu talagalay abaaraha Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa sandkan 2017 ku dhawaaqday in uu yahay sanadkii khayrka.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalidda ee ku nool dalka Imaaraaka carabta oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin barnaamijka dowladda Imaaraadka ay ku dhawaaqday, ee lagu gar-gaarayo dadka abaaraha ay daashadeen.

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abuubakar Mubarak Cabdalla, oo ku nool dalka Imaaraadka ayaa Hiiraan Online u sheegay in ay la dhacsanyihiin sida dowladda Imaaraadka ay uga go’antahay taakuleynta iyo gar-gaarka ay la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameyeen ee ku nool dalka Soomaaliya.

 Abuubakar Mubaarak, ayaa dhinaca kale sheegay in uu u mahadcelinayo madaxweynaha dalka Imaraadka carabta iyo cid kasta oo ka qeyb-qaadatay caawinta dadka Soomaaliyeed ee abaarta ay ragaadisa ee Soomaaliya ku nool. 

Xafiiska OCHA ee QM ayaa sheegay in tirada dadka gar-gaarka u baahan ee ku sugan gudaha Soomaaliya in ay gaarayaan 6.2 milyan, taas oo caga-cageyneysa kala bar dadka Soomaaliya sida QM gaar ahaan UNDP u diiwaan gashan.

Todobaadkan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kula kulmay magaalladda Abu Dhabi  ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta,  Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Kullanka oo ka dhacay qasriga badda, ayaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal , qaabkii lagu xoojin lahaa, loona horumarin lahaa danaha labada dal.

Intii kullanka uu socday ayaa lagu soo bandhigay iskaashiga  labada dal ee dhinacyada kala duwan sida mashaariic horumarineed oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay fulineyso oo u dan ah shacabka Soomaaliyeed, si dib loogu dhiso hey’adaha qaran ee Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia