4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2017
Dowladda Mareykanka oo 4,000 oo Somali ah dib ugu celineysa dalka Soomaaliya

 
Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) –Safiirka Soomaaliya u jooga magaalladda Washington, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay qorsheyneyso in Soomaaliya ay dib ugu soo celiso Soomaali gaareysa 4,000 oo qof.

Safiir Axmed Ciise Cawad, oo wareysi siiyay idaacadda VOA, ayaa sheegay inta badan dadka lasoo masaafurinayo in aysan ku jirin xarruumaha dadka lagu hayo.

Safaaradda Soomaalidda ee magaalladda Washington, ayaa dib loo furay bishii November ee sanadkii 2015.

Tan iyo xiligaas waxaa dalka Soomaaliya, dib loogu celiyay ku dhowaad 170 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerka dalka Mareykanka, halka qaarkood ay codsadeen magangelyo balse loo diiday, sida safiirka uu sheegay.

Dhinaca kale, safiirka ayaa sheegay in ay jiraan soomali kale oo loo diiday magangelyo oo ku xiran xabsiyo, kuwaas oo sugaya in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.

6-dii bishan April, hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Sharciga ee dalka Maraykanka, ayaa xabsiga dhigtay ku dhowaad 82 ruux oo u kala dhashay 26 wadan, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal socday mudo shan maalmood ah, oo laga sameeyay Gobalka Virginia, Columbia, magaalladda Washington DC iyo  Gobalka Maryland.

Dadka lasoo qabtay qaarkood waxaa la sheegay inay yihiin Dembiilayaal horey loogu yiqiinay Fal-dembiyeedyadda dhaca Hubeysan, Tuuganimo iyo Isticmaalka Daroogadda.

Dadka la xiray ayaa waxaa ka mid ah, Muwaadin Somali oo 50-jir ah, oo horay u ahaa Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabad sugidda Qaranka Somalia “The Somalian National Security Service (NSS)-ta ee xilligii Dowladdii Kacaanka.

Hey’addii uu ka tirsanaa muwaadinka Soomaalidda ah ayaa warbixinta ay sheegatay in ay ku caan aheyd Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha sida kufsiga, Jir-dilka iyo Dilalka baxsan. 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia