4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2017
Wadooyinka magaalladda Muqdishu oo qaarkood xiran iyo ammaanka oo si weyn loo adkeeyay

 
Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) –Saaka oo Arbaca ah waxaa xiran inta badan wadooyinka dhex-mara magaallada caasimada ee Muqdisho, munaasabada 12 April awgeed.

Munaasabada xuska 12 April ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalladda.

Maanta wadooyinka muhiimka ee muqdishu laguma arkaayo, gawaarida dad weynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay, keliya waxaa magaalladda dhex-socda gawaarida ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay shacabka in ay u dul-qaatan ciriiriga wadooyinka ee maanta oo loo dabaal degayo “Maalinta Ciidanka Xoogga ee 12 April”.

Munaasabadaha noocaan oo kale ah marka ay jiraan, ayaa caadiyan waxaa la xiraa magaalladda Muqdishu, iyadoona dadka lagu wargeliyo in ay guryahooda joogaan.

12-ka Abriil ee sanadkasta ayaa waxaa loo dabaal dagaa xuska maalinta xoogga dalka oo ah maalintii dhidibada loo aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, waxaana munaasabad maalintaasi lagu weyneynayo sanadkasta lagu qabtaa gobollada dalka, si dib loogu xasuusto sooma jeestayaasha qaranka Soomaaliyeed ee naftooda u hibeeyay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12-ka Abriil sanadka 2017, ayaa waxaa gobollada dalka ka socdo dabaaldagyo lagu weyneynayo xuska maalinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ah maalin qiimo weyn u leh bahweynta ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

12-kii April ee sanadkii 1960-kii ayay ahayd markii dhidibada loo aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadkaan 56-sano jirsad.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia