4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2017
Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray ciidamada 12 April- ka awgeed

 
Arbaco, April, 12, 2017 (HOL) –Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa hambalyo ku-aadan 57-guuradii ka soo wareegatay, markii la aas-aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya u diray ciidamada Qalabka sida.

12 April, ayaa loo dabaaldegaa munaasabada xuska ciidanka, waxaana xaflado lagu xusayo ciidanka lagu qabtaa magaallooyinka dalka Soomaaliya.

“12 April oo ku began sanad-guuradii la aas-aasay ciidanka xooggan dalka Soomaaliya, munaasabadaasi awgeed waxaan hambalyo leeyahay ciidamada xooggan dalka Soomaaliya, waxaan sidoo kale leeyahay sanadkan sanadkii Allah hana gaarsiiyo”, ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in munaasabada sanadkan ay kusoo aaday iyadoo dowladdu ay dib-u-habeyn ku sameeynayso ciidamada xoogga.

Ciidamada dalka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya  57- Sano-guuradii kasoo wareegtay aas-aaskooda.

Maanta waxaa xiran inta badan wadooyinka dhex-mara magaalladda Muqdishu, waxaana la filayaa munaasabad ka dhici doonta caasimada in ay ka qeyb-gali doonaan madaxda ugu sareeysa ee dalka Soomaaliya.

Munaasabada xuska aas-aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ayaa dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ku soo aadeysay iyadoo ciidanka aysan aheyn kuwo qalabkooda iyo tababaradooda aysan u dhameystirneen, dalkana ay joogaan 20,000 oo askari oo ka socda dalalka deriska kuwaasoo la dagaalamaya Xarakadda Al Shabaab.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia