4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2017
Xubnaha Aqalka sare oo meel mariyay xeer hoosaadka ay ku shaqeyn doonaan

 
Talaado, April, 11, 2017 (HOL) –Xubnaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa maanta meel mariyay xeer hoosaadka ay ku shaqeyn doonaan.

Kullankii maanta ay yeesheen xubnaha oo ka dhacay magaalladda Muqdishu, ayaa waxaa soo xaadiray 35 mudane, iyadoona uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajandaha kullanka ayaa ahaa akhrinta, ka doodista iyo ansixinta xeer hoosaadka Aqalka Sare, sida Guddoomiyaha uu sheegay.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ah Guddoomiyaha Aqalka Sare, oo kullanka ka hadlay ayaa waxaa uu yiri “Waxaan u mahadcelinayaa  guddigii soo diyaariyay xeer hoosaadka Aqalka Sare, wax wanaagsan ayay soo qabteen guddiga waqti badan ayay galiyeen ka shaqaynta xeer hoosaadka aan ku shaqaynayno”.

Xeer hoosaadka ayaa akhrintiisa iyo doodiisa waxa ay soo bilaabatay 25-kii Feberaayo, waxa uuna ka kooban yahay 10 cutub iyo 98 qodob.

Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee dalka, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin meelmarinta xeerarka, waxaana ay sheegeen in wax badan uu ka caawin doono xeerkaasi kullamada iyo shaqada Aqalka.

Kullamada Xubnaha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa uu u socdaa si caadi ah.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia