4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2017
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga

 
Talaado, April, 11, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wareegto Madaxweyne

Ujeedo:-Magcaabis Wasiiru Dowle

Kaddib Markaan arkay qodobka 51-aad farqadda 5-aad ee Dastuurka KMG ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kaddib Markaan arkay baahida loo qabo in lagu kordhiyo Wasiiru Dowle Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Waxaan u magacaabay Maanta oo ay taariikhdu tahay 11.April 2017, Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Hirshabeelle.

Wasiiru Dowlaha waxa uu u xilsaaranyahay Waajibaadka ku cad Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Sharcigani Wuxuu dhaqan galayaa Marka uu saxiixo Madaxweynaha.

Hiiraan Online,
Mogadishu,Somalia