4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2017
Wasaarada waxbarashada Soomaaliland oo saddex Jaamacadood kala noqotay aqoonsiga

 

Talaado, Abriil,11 , 2017 (HOL) – Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habanne (Cabdilaahi Dheere) ayaa sheegay in saddex jaamacadood oo wadanka ku yaala kala noqdeen rusqaddii jaamacadnimo ee markii hore siiyeen.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in guddida tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashadda baadhitaan dheer oo ay galeen iyo qiimayn ay ku sameeyeen ku ogaadeen in shuruudihii jaamacada laga rabay ay ku fashilmeen,isla markaana jaamacadaha marka hore si ku meel gaadh ah loo siiyey jaamacadnimo markii ay ogaadeen inay qiimayntii ku soo bixi waayeen kala noqdeen rusqaddii.

Wasiir Habbane oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Guddida Jaamacaddaha u xil saaraan inay qiimeeyaan oo jaamacadaha marka la furayo si ku meel gaadh ah ayaa rusqada loo siiyaa, marka hawl galaan waxa dib loo qiimeeyaa inay jaamacadnimo inay u qalanto oo tayadii waxbarasho leedahay iyo in kale, haddii ay ku fashilanto waa la gala noqonayaa”

Waxaanu intaas ku daray “Sidaas darteed ayaanu u baahanay go’aamadda guddida tacliinta sare, waana ku qanacsanahay wasaarad ahaan in arintaasi ay u cuskadeen saxtahay, wana arrin aanu si waddi doonno, illaa inta aanu ka gaadhayno tayadda aanu doonayno iyo waxbarashadda aynu doonayno inay noqdaan, ka sugno, jaamcaadaasi Togdheer International University la baxday horana loo odhan jiray Addis University College , oo jahawareer iyo khal khal ku abuurtay bulshadda gobolka Togdheer, waa la xayiray ardaydan waxa loo habeen doonaa halka ay ku kala haboon yahay, qoladda labaad waxa weeyi Almachad Caali oo Hargeysa ka furan, wuxu isna ka soo bixi waayey shuruudihii ay jaamacaduhu lahaayeen, horn International University oo iyana la isku qabsaday wakiilnimadda jaamacadda, waxaana u daynay qoladii hore ee soo qaatay tan dambe waanu kala noqonay rusqaddii kamana shaqayn karto.”

Waa markii ugu horeysay ee Jaamacaddo wadannka ka jiray la gala noqdo rusqaddii ay ku shaqaynayeen, waxaana kala yihiin saddexda Jaamacadood Togdheer International Universaty Ex Addis Universaty College, Al Maxad Caali iyo Horn Inertnational Universaty Hargeysa.

Haseyeeshee waxa wararka naga soo gaadhaya jaamacadaha rusqadii lagala noqday sheegeen in aanay ku qancin go’aanka wasaaradda ka soo baxay, waxaanay ku doodayaan inay ahayd in wixii ka khaldan nidaam ahaan loogu soo gudbiyo, balse aanay ahayn in warbaahinta loo soo mariyo go’aan lagu xayirayo jaamacadahooga.

https://ssl.gstatic.com/ui/v1/icons/mail/images/cleardot.gif

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.