4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2017
Hargeysa : Culimadii xarrakadda cusub ee islaamiga ah ku dhawaaqday oo xabsiga la dhigay

 

Talaado, April, 11 2017 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubno ka mid ah culimaddii dhawaan ku dhawaaqay urur Diimeed ay ugu magac dareen Al-Saaciduuna Bil Xaq kaas oo ay ku sheegeen in ay wadeen qorshahiisa muddo 45 sanadood ah.

Waxaana kooxdan culimada ah ay dhawaan hal mar uun kaga wada dhawaaqeen magaalooyinka Hargeysa, Muqdisho, Masar iyo Puntland.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Imaan ayaa ka dhawaajiyey in ciidamada Booliska Somaliland hawl gallo ay shalay bilaabeen ay kusoo qab-qabteen saddex kamid ah kooxdaa culimada ah ee gudaha Somaliland kaga dhawaaqday urur Diimeedka, waxaana uu xusay sidoo kale in ururkaasi uu yahay mid sharci darro ah isla markaana Khalkhal galinaya amaanka dalka.

“Sidaad la socoteen waxa dhawaan Koox wadaado ahi ay caasimada Hargeysa kaga dhawaaqeen urur ay ku sheegeen magaciisa Al-saadicuuna Bil Xaq kaas oo aan sharci ahayn khatarna ku ah nabadgaliyada qaranka iyo nabadgaliyada Bulshada Reer Somaliland,intaas kadib ciidamada Booliska Somaliland waxay galeen hawl gallo balaadhan shalay oo Taariikhdu ahayd 10.04.2017- ilaa wakhtigu markuu ahaa 11 subaxnimo ilaa xalay 3 habeenimo ku jireen hawl gallo balaadhan,ciidanka boolisku waxay gacanta kusoo dhigeen Saddex xubnood oo kamid ah xubnihii ku dhawaaqay Ururkaas ah waxaana isla markiiba si deg deg ah looga xalaaleeyey maxkamadda awooda u leh iyo xeer ilaalinta,iyaga oo ay ciidanka Boolisku cuskanayaan,marka uu kiisku yahay kiis culus sida uu tilmaamayo qodobka 58-Aad xeerka habka ciiqaabta xubintiisa Labaad waaran la’aan hadaad cid nabadgaliyada looga cabsi qabo inay waxyeelayso ama baxasanayso waaran la’aan ayay ku gali karaan si dhakhso ahna waa in markaa maxkamadda looga xalaaleeyaa markaas ciidamada Boolisku waxay hadda gacanta ku hayaan Saddex xubnood oo kamid ah xubnihii Hargeysa kaga dhawaaqay Urur diimeedkaas”ayuu yiri Taliye Fadal.

Waxa kale oo uu taliyuhu ka hadlay in ciidanka Booliska amar lagu siiyey inay qabqabtaan dirawaladda aan liisanka gaadhiga haysan iyo Gaadiidka Bacda madow ku xidha muraayadaha gaadhiga, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo amniga halis ku ah.

Maalmihii u dambeeyey ayaa si weyn loo hadal hayey koox culimo ah oo ku dhawaaqay xarako cusub oo islaami ah, taas oo dadku wax badan iska waydiinayeen, waxaana ka hadlay guddida wanaag farista oo sheegay inay halis ku yihiin amniga wadanka haddii aan wax laga qaban, taas ayaa keentay in si dhakhso ah talaabo looga qaado.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.