4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2017
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Madaxii Abaabulka Al-shabaab ee Degmadda Qoryooley

 
Talaado, April, 11, 2017 (HOL) –Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Qoryooley ee Gobolka Sh/hoose Cabdi Axmed Cali, ayaa sheegay in ay ciidanka dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen Madaxii Abaabulka Al-shabaab u qaabilsanaa degmadda Qoryooley oo magiciisa ay kusoo koobeen Cabaas.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay deegaanka Farxaane, ayaa waxaa ay kusoo qabteen Madaxii Abaabulka Al-shabaab u qaabilsanaa Degmadda Qoryooley, haddana waxaa uu ku jiraa gacanta ciidanka dowladda Soomaaliya,  sidaasi waxaa yiri Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Qoryooley ee Gobolka Sh/hoose Cabdi Axmed Cali.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa dhinaca kale sheegay sarkaalka ay soo qabteen iyo ilaaladiisa in ay ku wareejin doonaan Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya.

Deegaanadda Gobolka Shabeellaha hoose waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howlgallo ay ciidanka dowladda iyo AMISOM ay ka wadeen.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa deegaano hoos yimaada Gobolka waxaa ka dhacay weerar ay geeysanayeen Al Shabaab iyo qaraxyo lala eeganayay ciidamada AMISOM ee ku sugan Shabeellaha Hoose.

Khamiistii lasoo dhaafay gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad rayid ah ayaa miino ay kula qaraxday deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu yaraan 20 Qof ayaa ku dhimatay qarax gaariga caasiga ah.

Gaariga ayaa ka soo baxay magaalladda Buulamareer ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana uu ku soo socday magaalada Marka ee xarunta gobolka.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuure ayaa sheegay in gaarigaasi ay saarnaayeen 21 qof uu darawalkii oo kaliya ka badbaaday, intii kalena ay qaar dhinteen qaarna dhaawac yihiin.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia