4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 11, 2017
Guddoomiyaha Gurmadka Abaaraha maamulka Jubbland oo ka warbixiyay xaaladda abaaraha

 
Talaado, April, 11, 2017 (HOL) –Degaanadda maamulka Jubbaland ayaa qeyb ka ah meelaha ay sida daran u saameysay abaaraha sanadkan ku dhuftay dhulka Soomaalidda.

Wasiir ku-xigeenka  Arimaha Gudaha Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in xaaladda abaareed ee ka Jirta deegaanada Jubbaland in ay tahay mid saameyn lixaad leh ku reebtay Dadka iyo Duunyadda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaasi ahna Guddoomiyaha Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Jubbaland, dhinaca kale waxa uu sheegay in kulamo looga hadlay abaaraha in ay la qaateen Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta  Aafooyinka ee Dawladda Dhexe  iyo Qaar ka mid ah Hay’adaha  Gargaarka ee Qaramad Midoobay.

“Kullamadii aan la qaadanay dowladda dhexe iyo hay’adda waxaa looga hadlay qaabka ugu haboon ee Dadkaasi lagu Caawin karo”, ayuu yiri.

Gobolada Jubbooyinka, ayaa ka mid ah deegaanada koonfurta ee sida daran ay u ragaadiyeen abaaraha.

Maamulka Jubbland waxaa ay dhawaan sheegeen in ay gurmad u fidiyeen dad badan oo kasoo cararay deegaanada miigan gobolada, kuwaas oo hadda ku nool magaalladda Kismaayo.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia