4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2017
Maamulka Degmadda Hobyo oo Burcad-baddeeda ka soo furtay Doon ay afduub ahaan u heysteen

 
Talaado, April, 11, 2017 (HOL) –Maamulka Degmada Hobyo, ayaa sheegay in ay soo furteen Doon nooca ganacsiga ah oo gacanta ugu jirtay kooxaha Burcad-baddeed Soomaalidda.

Kooxdii heysatay doonta ayaa la sheegay in ay la baxsadeen shaqaalihii saarnaa, balse hadda waxaa ay maamulka gacanta ay ku hayaan doonta oo laga leeyahay dalka India.

Guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaah Axmed Cali, ayaa sheegay in iyagoo Kaashanaya Guurtida Deegaanka ay soo furteen doon ganacsi oo ay xeebaha Galmudug ku heysteen kooxaha burcad-baddeedda Soomaalida.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay sidoo kale badbaadiyeen labo ka mid ah shaqaalaha Doonta Al Kowsar oo dhalashadoodu tahay dalka Indian.

Kooxaha Burcad-baddeeda Soomaalidda waxaa wali gacantooda ku jira, 9 ka mid ah shaqaalihii saarnaa Doonta, waxaana ciidamadda ay sheegeen in ay ku raad joogaan burcad-baddeeda.

Doonta Al Kowsar, ayaa bishaan waxaa laga soo afduubtay Xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yeman, waxaana lala soo aaday xeebaha Soomaaliya.

Maamulka Degmada Hobyo, ayaa sheegay in aan kooxaha burcad-baddeeda looga hari doonin afduubka ay geysanayaan.

Burcad-baddeeda ayaa cududooda dib usoo noqotay labadii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana ay afduubteen saddex Doonyood.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia