4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
Hoggaamiyeyaasha caalamka oo ansixiyay qorshe wax looga qabanaayo dhibaatada qaxootiga

 

Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa isku raacay in waxqabad intii hore ka wacan lala yimaado si wax looga qabto qaxootiga badan ee caalamka.

Qorshaha cusub ayaa looga gol leeyahay in wax looga qabto qaxooti lagu qiyaasay 65 milyan iyo ka badan oo iminka caalamka ku firirsan. Dadkaa ayaa in badan oo ka tirsan waxay guryahoodii ka carareen sanadkii aanu soo dhaafnay ee 2015 oo qura.

“Waxaanu nahay hal koox. Waxaan idinka codsanayaa inaad samaysaan dadaalkiina ugu badan.” Sidaa waxaa yiri xog-hayaha guud ee QM Ban Ki-moon mar uu ka hadlaayay shir feer socday shirka golaha loo dhan yahay ee QM magaalada New York shalay.

Ayadoo uusan muuqan dhammaadka colaadaha ka huraya Suuriya, Afghanistan iyo Koofur Suudaan ayaa qaxootiga iyo dhibaatooyinka haysta ay marba marka ka dambeysa sii badanayaan sida uu xusay madaxa UNHCR Filippo Grandi.

Muhaajiriinta caalamka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah dadka dalalka kale u hijroonaya ee nolosha wanaagsan jirinaya.

Tobanaan sano waxaanu daaweyneynay dhibaatada qaxootiga sidii waxaana u daweyneynay dhibaato baniaadam laakiin tillaabooyinkaa joojinta kala dhimanaanshiyaha ah innaba wax intaan ka badan waxba kuma toorna". Grandi.

 

Dhibta hada jirtaayi waxay u baahan tahay xal muddo dheer waara siduu Filippo Grandi sheegay.

“Waxaan u baahan nahay inaan taageerno dalalka qaxootiga marti galiya.’” Sidaasna waa uu yiri.

Dhan kale, madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Samoi Ruto ayaa mar kale  difaacay go'aanka dawlada Kenya ku xireyso xeryaha Dhadhaab sanadkaan dabayaaqadiisa.

 

Kenya ayaa shaacisay in kama dambeys xeryahaa la xirayo bisha 11aad ee sanadkaan. Ruto ayaa ku cambaareeyay dunida  in boqolaal kun oo qaxooti ah aysan waxba sidaa u buuran u qabanayn ee Kenya ay ku eeganeyso.


Wuxuu kaloo sheegay in qaxootigu ku yahay dhibaato ammaanka dalka Kenya oo ay ka ganacsadaan alaabada koontarabaanka ah iyo hubka.


'Dhawaan xeryaha Dhadhaab waxaa ka baaba'ay dabiicigii baniaadminimo waxaana adeegsaday argagixiso iyo wakiiladooda ayagoo u rogay xarun dadka xagjirnimo lagu baro'. Sidaana wuu yiri.

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro badan ka geysatay Kenya laga soo bilaabo 2011 markii ciidamada Kenya loo diray Soomaaliya.

 

Ruto wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay dadajiso si saami ah u xasilinta Soomaaliya iyo in khadamaatka Soomaaliya si saami ah oo waafi ah loo hagaajiyo si Soomaaliya loogu cesho qaxootiga xeryaha Dhadhaab ku jira.

 

Ruto ayaa ka hadlaayay shalay isla shirka golaha loo dhan yahay ee QM, New York carriga Mareykanka markii uu khudbadaa jeediyay asagoo sidoo kalena arimahaa kala hadlay xog-hayaha guud ee QM Ban Ki Moon.


Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira heshiis saddex geesood ahaa oo ay kala saxiixdeen UNHCR iyo dawladaha Kenya iyo Soomaaliya sanadkii 2013 kaasoo dhigaya in qaxootiga aan qasab lagu celin.

 

Lama oga waxa dhici doona markii la gaaro bisha 11aad maadaama Keyna ay wali ka dhawaajineyso in xeryaha Dhadhaab la xiri doono waqtigaa.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]