4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
Kulan looga hadlayay ammaanka doorashooyinka oo ka dhacay Muqdisho

Xaquuqda masawirka/SONNA


Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Waxaa caasimada Muqdisho lagu qabtay kulan looga hadlaayay amuuraha kusaabsan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka waqtiga doorashooyinka soo socda.

Kulankaa oo shalay Isniintii ka dhacay caasimda Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno badan oo ka tirsan guddiga amniga doorashooyinka ee qaran, kan heerka federaaliga ah ee dalka iyo xubno ka socday laamaha ammaanka.

Kulankaa ayaa waxaa ajendeyaashiisa ka mid ahaa aragtiyo la xiriira doorashooyinka. Waxaa kaloo lagu soo qaaday ammaanka doorashooyinka xiliga ay ka dhacayaan gobolada kala duwan ee dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Mr. Cumar Dhagey ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo nidaam guud oo amuurtaa haga si wax khatar ah aysan u dhicin waqtiga doorashooyinku dalka ka dhacayaan.

Wuxuu ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka sugida ammaanka waqtiga doorashooyinka.

Doorashooyinka madaxweynaha iyo xildhibaanada ayaa la filayaa inay dalka ka dhacaan bilaha nagu soo fool leh.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]