4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
SAWIRRO: Jubbaland iyo QM oo dhisay Guddi ka Shaqeeya Baahida Qoxootiga soo laabanaya
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Maamulka Jubbaland, QM iyo Wakiillo ka Socday Beesha Caalamka ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddi Wadajir ah oo ka shaqeeya sidii Wax looga qaban lahaa baahiyaha ay Qabaan Qoxootiga Dhadhaab ku Nool ee doonaya inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.

Wakiillo uu Hoggaaminayo ku xigeenka ergayga QM ee Somalia, Peter de Clercq oo ay ka mid yihiin Wakiillo ka Tirsan hay’adaha QM, Bangiga Adduunka iyo Hay’adaha Islaamiga, ayaa kulan kula qaatay Kismaayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, C/qaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere) ayaa kala hadlay qorshaha soo laabashada qoxootiga Dhadhaab ku nool iyo barakacayaasha ku nool Kismaayo.

“Kulanku wuxuu ahaa mid muhiim ah, waxaana mas’uuliyiinta Jubbaland si aad ah ugala hadalnay dib u dajinta Qoxootiga kasoo laabanaya Xeryaha Dhadhaab ee Kenya. Waxaan dhinaca kale kala hadalnay baahiyaha ay qabaan barakacayaasha ku dhaqan Jubbooyinka,” ayuu yiri de Clercq oo intaas ku daray inay ku heshiiyeen dhismaha guddi wadajir ah oo ka shaqeeya dib u dajinta qoxootiga soo laabanaya.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, ayaa isagana sheegay in kulanka ay kaga hadleen arrimo badan oo ay qayb ka yihiin barnaamijyada horumarineed ee Jubbaland laga fulinayo.

“Waxaanu ku faraxsan-nahay kulanka aan la yeelannay mas’uuliyiinta isku-dhafka ah ee ka socda Beesha Calaamka, Haya’daha Qaramada Midoobay iyo kuwa Islaamka. Waxaana si aad ah uga doodnay sidii loo caawin lahaa shacabka Jubbooyinka, xoojinta ammaanka iyo qodobbo kale oo ku saabsan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri C/qaadir Luga-dheere.

Dhanka kale, Peter de Clercq ayaa ku wareejiyay Wasiirka Cadaaladda Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw-xirsi laba baabuur, kuwaasoo ay ku Deeqday Hay’adda UNDP ee Qaarmada Midoobay.

Ugu dambeyntii, Kulankaan guddiga wadajir ah lagu dhisay ayaa waxay imaanayaan xilli Maamulka Jubbaland uu dhawaan Diiday in Deegaannadiisa la keeno Qoxootiga ka soo laabanaya Dhadhaab, kaddib markii ay Hay’adda Qoxootiga ee UNHCR ku eedeeyeen in ay ka baxday heshiis ay wada-galeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya