3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
DHAGEYSIGA Dacwadda Badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya oo gashay Maalintii Labaad

Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Waxaa Maalintii labaad galay dhagaysiga Dacwada ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee QM ee la xiriirta Muranka Soohdin badeedda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Talaalada Maanta ah, ayay Somalia Maxkmadda Cadaaladda ee QM ka hor jeedin doontaa dooddeedda ku Saabsan Muran badeedka. Kaddib markii Kenya ay shalay soo bandhigtay Qodobbada ay ku doodayso, Waxayna xoogga saartay in Dib loogu noqdo Heshiiskii is-af-garadka ahaa ee Kenya iyo Soomaaliya ay kala Saxiixdeen Sannadkii 2009-kii.

Sidoo kale, Dhagaysiga Dacwaddan ayaa khuseysa diidmada ka timid Dalka Kenya ee ay ku doodayso in maxkamadan aysan awood u lahayn inay xaliso murankan badda ee u dhexeeya dalkeeda iyo Soomaaliya.

Labada dal waxay sheeganayaan lahaanshaha xudduud badeedka cabirkiisu yahay 142,000 oo KM oo laba jibbaaran, Sidaas darteedna Somalia ka dalbatay Maxkamada inay xadeyso xadduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka Caalamiga ah.

Ugu dambeyntii, Dowladda Kenya ayaa su'aal galisay Awoodda ay Maxkamaddu u leedahay inay qaado dacwaddan oo ay sheegtay inay ka baxsan tahay xeerarka xeyndaabkeeda shaqo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/20/2016 4:51 PM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo markii hore Qorshuhu ahaa in Hal maamul ay ku Midoobaan, ayaa hadda u Muuqda kuwo arintaa ku kala weydaaranaya, kaddib markii xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne looga dhawaaqay maanta dhismaha maamul u yeelanayo Gobolka Hiiraan.

9/20/2016 2:14 PM EST
Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa isku raacay in waxqabad intii hore ka wacan lala yimaado si wax looga qabto qaxootiga badan ee caalamka.

9/20/2016 1:27 PM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Wafdi u Hoggaaminayo RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

9/20/2016 11:23 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Mudaharaad aad u balaadhan oo lagu taageerayo go’aankii madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho ayaa ka dhacay magaaladda Hargeysa, waxaana dadweynuhu beesha caalamka u sheegayeen in danta Somaliland ay ku jirto in doorashadda la kala qaado.

9/20/2016 11:22 AM EST
Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Waxaa caasimada Muqdisho lagu qabtay kulan looga hadlaayay amuuraha kusaabsan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka waqtiga doorashooyinka soo socda.

9/20/2016 9:59 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Maamulka Jubbaland, QM iyo Wakiillo ka Socday Beesha Caalamka ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddi Wadajir ah oo ka shaqeeya sidii Wax looga qaban lahaa baahiyaha ay Qabaan Qoxootiga Dhadhaab ku Nool ee doonaya inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.

9/20/2016 8:10 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Kaddib kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen magaalada Beledweye, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, siyaasiyiin, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo duubabka dhaqanka gobolka oo uu horkacayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa looga dhawaaqay dhismaha maamul-gobolleed uu yeellanayo gobolka Hiiraan.

9/20/2016 8:05 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa markii u horreysay ka hadashay Doorashooyinka dadban ee lagu sannadkan daba-yaaqadiisa lagu wado inay ka dhacaan dalka, laguna soo doorto madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

9/20/2016 4:26 AM EST
Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Cabsi xoggan ayaa Soomaalida gobolka Minnesota Mareykanka lasoo daristay kadib dhacdadii maalin dhaweyd nin Soomaali ah uu ku tooriyeeyay dad meel ka dukaamaysanaayay magaalada St. Cloud.

9/20/2016 4:18 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Kaddib markii habeenkii Sabtidii uu Wiil Soomaali ah oo aysan Hay'adaha Nabadgalyada ee Minnesota aysan magaciisa shaacinin hasayeeshee Soomaalida St Cloud ay ku sheegeen Daahir Aadan uu fal Mindiyeena ku dhaawacay sagaal qof meel laga Dukaamaysto laguna Magaacabo CrossRoads Center ,Dhacdadaa kadib ayaa madaxda Gobolka iyo tan magaaladda St Cloud ay wada qabteenwaxaana shirkaa jaraaid oo ay ku sugnaayeen guddoomiyaha gobolka Minnesota Mark Dayton, Duqa Magaalada St Cloud Dave Kleis ,Taliyaha Booliiska ee Magaaladaa Chief Blair Anderson iyo xubno kale oo dagan magaaladaa.

9/20/2016 3:57 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Jabriiil Ibraahim Cabdulle oo ahaa madaxa hay’ada Cilmi-baarista ee CRD, kana mid ahaa Hoggaanka Ururradda Bulshada Rayidka ah ee dalka ayaa Muqdisho uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynenimada Soomaaliya, taasoo la filayo in ay dhacdo tartankeedu dhamaadka bisha Oktoobar ee sannadkan 2016-ka.

9/20/2016 3:42 AM EST
Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Samoi Ruto ayaa mar kale difaacay go'aanka dawlada Kenya ku xireyso xeryaha Dhadhaab sanadkaan dabayaaqadiisa.

9/20/2016 2:35 AM EST
Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Culeys iyo cabsi ayaa lasoo darsay Soomaalida ku dhaqan magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

9/20/2016 12:55 AM EST
Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Sharci yaqaano Kenyan ah oo uu hoggaaminaayo xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa shalay codsaday in la joojiyo dhageysiga dacwadaa.