4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
SHEEKH CALI DHEERE: Doorashada Sanadkan dhacaya waxaa nooga qorsheysan dil iyo dagaal
/images/gallery/2014520635361713259227777kenya-somalia-al_shabaab-2011-10-16.jpgTalaado, September 20, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa markii u horreysay ka hadashay Doorashooyinka dadban ee lagu sannadkan daba-yaaqadiisa lagu wado inay ka dhacaan dalka, laguna soo doorto madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Afhayeenka Guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere), ayaa sheegay in Doorashooyinkaan go’aanka uga degsan uu yahay Dil iyo Dagaal, isagoo digniin u diray odayaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaanka cusub.

“Go’aanka nooga dagsan doorashadaas waa dil iyo dagaal, waa qorshe dowladaha shisheeye soo agaasimeen oo laga leeyahay hadaf Gumeysi oo Dano-gaar ah laga leeyahay,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa u jeediyay odayaasha dhaqanka ee xildhibaanada Baarlamanka cusub soo xulaya, isagoo xusay inaysan noqon in laga dhigto aalad meel lagu fuulo, kadibna la iska tuuro sidii horay u dhacday oo kale.

Dhanka kale, Sh. Cali Dheere ayaa ku boorriyay Xoogagga Al-shabaab in ay weerarro ku qaadaan goobaha Doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya, isagoo uga digay shacabka inay ka qayb-qaataan Doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, Xarakada Al-Shabaab ayaa muddo sanndo ah isku dayaysay inay ka tuurto xilka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu Caalamka Aqoonsan yahay, iyagoo dagaal kula jira ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya