3/24/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
Cabsi lasoo daristay Soomaalida Minnesota kadib dhacdadii ninka Soomaaliga ah dadka ku tooriyeeyay


 

Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Cabsi xoggan ayaa Soomaalida gobolka Minnesota Mareykanka lasoo daristay kadib dhacdadii maalin dhaweyd nin Soomaali ah uu ku tooriyeeyay dad meel ka dukaamaysanaayay magaalada St. Cloud.

Soomaalida ayaa ka baqanaaya in laga aar goosto maadaama ninka falkaa ku kacay uu ahaa Soomaali. Ninkaa ayaa markii dad badan uu mindiyeeyay waxaa toogtay nin boolis ahaa oo halkaa ayuu ku dhintay.

Si kastaba hoggaamiyeyaasha bulshada ee Soomaalida gobolkaa ayaa ku baaqay in Soomaalida aan la bartilmaansan maadaama Soomaali iyo Muslimiin aysan lahayn dambiileyaasha dambiyada gala oo cid kasta ay noqon karaan!

Ninkaa yaa Sabtidii lasoo dhaafay 10 qof mindi ku dhaawacay ka hor intii aan toogasho lagu dilin.

Ninkaa oo dhallin yaro ahaa ayaa la sheegay inuu wax badan kunoolaa Mareykanka. 

Ninkaa ayaa waxaa la oran jiray Daahir Aadan waxaana da'diisa lagu sheegay 20 sano jir.

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu ahaa waardiye iyo arday machad wax ka dhigan jiray.

Soomaalida gobolka Minnesota ku nool ayaa laga soo bilaabo 1991 kusoo ququlaayay halkaa dagaalka sokeeye ee ka jira Soomaaliya dartii.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]





Post your comments

9/20/2016 4:51 PM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo markii hore Qorshuhu ahaa in Hal maamul ay ku Midoobaan, ayaa hadda u Muuqda kuwo arintaa ku kala weydaaranaya, kaddib markii xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne looga dhawaaqay maanta dhismaha maamul u yeelanayo Gobolka Hiiraan.

9/20/2016 2:14 PM EST
Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa isku raacay in waxqabad intii hore ka wacan lala yimaado si wax looga qabto qaxootiga badan ee caalamka.

9/20/2016 1:27 PM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Wafdi u Hoggaaminayo RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

9/20/2016 11:23 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Mudaharaad aad u balaadhan oo lagu taageerayo go’aankii madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho ayaa ka dhacay magaaladda Hargeysa, waxaana dadweynuhu beesha caalamka u sheegayeen in danta Somaliland ay ku jirto in doorashadda la kala qaado.

9/20/2016 11:22 AM EST
Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Waxaa caasimada Muqdisho lagu qabtay kulan looga hadlaayay amuuraha kusaabsan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka waqtiga doorashooyinka soo socda.

9/20/2016 9:59 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Maamulka Jubbaland, QM iyo Wakiillo ka Socday Beesha Caalamka ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddi Wadajir ah oo ka shaqeeya sidii Wax looga qaban lahaa baahiyaha ay Qabaan Qoxootiga Dhadhaab ku Nool ee doonaya inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.

9/20/2016 8:28 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Waxaa Maalintii labaad galay dhagaysiga Dacwada ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee QM ee la xiriirta Muranka Soohdin badeedda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

9/20/2016 8:10 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Kaddib kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen magaalada Beledweye, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, siyaasiyiin, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo duubabka dhaqanka gobolka oo uu horkacayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa looga dhawaaqay dhismaha maamul-gobolleed uu yeellanayo gobolka Hiiraan.

9/20/2016 8:05 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa markii u horreysay ka hadashay Doorashooyinka dadban ee lagu sannadkan daba-yaaqadiisa lagu wado inay ka dhacaan dalka, laguna soo doorto madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

9/20/2016 4:18 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Kaddib markii habeenkii Sabtidii uu Wiil Soomaali ah oo aysan Hay'adaha Nabadgalyada ee Minnesota aysan magaciisa shaacinin hasayeeshee Soomaalida St Cloud ay ku sheegeen Daahir Aadan uu fal Mindiyeena ku dhaawacay sagaal qof meel laga Dukaamaysto laguna Magaacabo CrossRoads Center ,Dhacdadaa kadib ayaa madaxda Gobolka iyo tan magaaladda St Cloud ay wada qabteenwaxaana shirkaa jaraaid oo ay ku sugnaayeen guddoomiyaha gobolka Minnesota Mark Dayton, Duqa Magaalada St Cloud Dave Kleis ,Taliyaha Booliiska ee Magaaladaa Chief Blair Anderson iyo xubno kale oo dagan magaaladaa.

9/20/2016 3:57 AM EST
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Jabriiil Ibraahim Cabdulle oo ahaa madaxa hay’ada Cilmi-baarista ee CRD, kana mid ahaa Hoggaanka Ururradda Bulshada Rayidka ah ee dalka ayaa Muqdisho uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynenimada Soomaaliya, taasoo la filayo in ay dhacdo tartankeedu dhamaadka bisha Oktoobar ee sannadkan 2016-ka.

9/20/2016 3:42 AM EST
Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Samoi Ruto ayaa mar kale difaacay go'aanka dawlada Kenya ku xireyso xeryaha Dhadhaab sanadkaan dabayaaqadiisa.

9/20/2016 2:35 AM EST
Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Culeys iyo cabsi ayaa lasoo darsay Soomaalida ku dhaqan magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

9/20/2016 12:55 AM EST
Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Sharci yaqaano Kenyan ah oo uu hoggaaminaayo xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa shalay codsaday in la joojiyo dhageysiga dacwadaa.