4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
SAWIRRO: Jibriil Ibraahim Cabdulle oo Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay Murashax Madaxweyne

Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Jabriiil Ibraahim Cabdulle oo ahaa madaxa hay’ada Cilmi-baarista ee CRD, kana mid ahaa Hoggaanka Ururradda Bulshada Rayidka ah ee dalka ayaa Muqdisho uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynenimada Soomaaliya, taasoo la filayo in ay dhacdo tartankeedu dhamaadka bisha Oktoobar ee sannadkan 2016-ka.

Munaasabad musharaxu kaga dhawaaqayey tartanka madaxweynanimada Soomaaliya ayey isugu yimaadeen ku dhawaad 10,000 oo qof taas oo ka dhacaday Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay Salaadiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween, Siyaasiyiin, Dhibanayaasha Bulshada, Xoogsatada Dekeda Muqdisho iyo Fanaaniin kala duwan.

Sidoo kale, Jabriil ayaa sheegay inuu musharax u yahay dhaq dhaqaaqa Hal Qaran oo ay ku midaysan yihiin dhamaan bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ka turjumaya soo celinta midnimada iyo isbadal ka hana qaada dalka Soomaaliya.

“Waxaan aad uga xumahay inaad dhib badan kala kulantaan marida wadooyinka idinkoo u socda ka qayb galka xaflad dhacaysa, waana mid ka mid ah ayaandarooyinka dalka haysta in qofka muwaadinka ah uusan helin marar badan xuquuqdiisa dhaq dhaqaaq,  waxaan aad ugu faraxsanahay inaad muujiseen in codkiina aan la celin karin daruuf kasta oo jirta. Qorshahayga qayb kama ahayn inaad isugu timaadaan gudaha iyo daafaha hoteelka ee waxaa noo qorshaysnayd inaan ku qabsano garoomada ciyaaraha, balse nasiib daro arinkaas waa noo suurta gali waayey culaysyo jira awgood,” ayuu yiri Jabriil Ibraahim.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Maanta Soomaaliya Waxay maraysaa marxalad kala guur ah oo la mid ah tii 1960-kii, waxaana maalintaas ka saaray muwaadinin Soomaaliyeed oo aaminsanaa in horumarka dalku ku jiro isku duubni waxayna suurta gal ka dhigeen in ay soo hooyaan guul iyo qaranimo. Maanta afarta sano ee soosocota waa mid qiimo weyn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, hadii ay naga khasaarto sidii afartii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya waxay galaysaa dib u dhac weyn oo ay adag tahay in ay ka soo kabsato” ayuu yiri mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle.”

Ugu dambeyn, Munaasabada Musharaxnimada Jabriil Ibraahin C/lle, ayaa toos uga socotay dhammaan Telefishanada iyo idaacadaha Somalia, Waxaana sidoo kale toos u daawanayay boqolaal kun oo dhalilnyaro ah kuwaas oo kala socday baraha bulshadu ku xiriirto. Ugu dambeyn, Waxyaabaha uu Musharaxan kaga duwan yahay murashaxiinta kale ayaa ah in ololihiisa doorashada ay hoggaaminayaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo iyagu ah dhibanayaasha saameyntu ugu badan ay ku yeelatay Dhibaatooyinka dalka ka jira.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya