4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
Soomaalida ku dhaqan Mombasa Kenya oo cabsi ay lasoo daristay

Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Culeys iyo cabsi ayaa lasoo darsay Soomaalida ku dhaqan magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Culeyska iyo cabsi ayaa lasoo darsay ayagoo haatan ka baqanaya in boolisku olole raaf ah ku qaado kadib weerar 10 maalmood ka hor gabdho Soomaali ahaa ay ku qaadeen saldhig boolis oo magaaladaa kuyaal. Gabdhahaa ayaa lala xiriirshay kooxda ISIS ee Suuriya iyo Ciraaq balse asalkooda ayaa Soomaali ahaa.

Saddex gabdhood oo weerarkaa qaaday ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen gabdho da' yar isla markaana kasoo jeeda Soomaalida Kenya.

Kadib markii maalin axad ah 10 maalmood ka hor ay mindi ku dhaawaceen askariyad boolis ah ayaa ciidamada booliska ee magaaladaasi toogasho 3dii hablood ku dileen.

Meydka gabdhahaa ayaa wali yaala goob meydadka la dhigo ayadoo baaritaano boolisku wado ay socdaan.

Falkaa kadib ayaa Soomaalida Mombasa daggan oo leh xataa Kenyan waxaa la soo darsay cabsi iyo culeys ayagoo iminka ka cabanaaya in la takooro oo su'aalo khaldan la weydiiyo sida, 'adinku maxaad dadka u leysaan? Maxaad argagixiso u tihiin iwm?' khaasatan markii ay adeegyo u raadsadaan xafiisyada qaarkood.

In badan oo Soomaalida magaaladaa daggan ah ayaa sidaa u sheegay warbaahinta ayadoo masuuliyiin ka tirsan bulshada Soomaalida ah ee daggan magaaladaana ay diyaarinayaan dibadbax iyo cabasho cabsi galinta iyo culeyska la saarayo ay uga soo horjeedaan sida mid ka mid ah masuuliyiintaasi u xaqiijiyay warfidiyeenka.

Somali Youth Forum hoggaamiyaheeda, Maxamed Cabdi Dhayib ayaa u sheegay warbaahinta in dawlada iyo dadku fahmaan in ay iyana yihiin Kenyan xaqna ay dalka ku leeyihiin sida dadka kale.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dawladu aysan arinkaa u adeegsan inay ku diido niqaabka gabdhuhu isku asturaan. 'Dambiile cid gaar ah ma leh; dambiilee midab gaar ah ma leh'. Mudane Maxamed Cabdi Dhayib ayaa sidaa yiri.

3 dumar ah oo kale ayaa haatan boolisku hayaan oo Soomaali ah kuwaasoo la tuhmay in gabdhihii weerarka qaaday ee dabadeed la dilay ay ayaga la noolaayeen.

Dhanka xiriirka ayaa hase ahaatee dhib ka jiraa ayadoo labadood haweenkaa aysan hadleyn oo inay dhaga la' yihiin iyo inay dhimirka ka jiran yihiin la kala garan waayay sida boolisku sheegay.

Falalka argagaxisonimada lala xiriirshay ayaa waxaa faro kulul ay ku hayeen Kenya gaar ahaan gobolada xeebta iyo Waqooyi-bari iyo weliba caasimada Nairobi lagasoo bilaabo sanadkii 2011.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya
[email protected]