4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2016
DAAWO: Duubabka-dhaqanka iyo wafdi ka socda XF Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Baladweyne
Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL) — Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaya kulan maanta Dhax-maray wafdi uu horkacayay ra'iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne  iyo duubabka dhaqanka uu horkacayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Kulanka oo Warbaahintu Dibad-joog ka ahayd ayaa markuu soo dhamaaday Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya, C/casiis Cabdi Xaaji Goob-doon oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiga Xukuumadda Somalia iyo duubabka dhaqanka ka wada-hadlleen sidii mar kale dib loogu furi lahaa Wadahadallada la Xiriira arintan qorshaha dhismaha maamulka labada gobol oo sidda uu hadalka u dhigay ay aqbaleen duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan. Laakiin, marka laga soo tago hadalka Afhayeenka, ilo xog-ogaal ah oo goob joog ka ahaa kulanka ayaa u sheegay HOL in duubabka dhaqanka oo ugu horeeyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ay u soo jeediyeen wafdigii ka socday xukuumada in marka hore la xiro shirka ka socda degmada Jowhar, kaddibna la isku soo laabto wixii Wadahadal ah ee la xiriira ka Qayb-galka Nidaamka Federaalism-ka Gobolka Hiiraan, iyagoo dhinaca kale ku baaqay in laga wada Qayb-galo is-beddelka Dowladnimo ee dhawaan la filayo in la guda-gallo.

Ugu dambeyn, Wafdigaan ayaa Galabta ka Ambabaxay Beledweyne, iyagoo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya