4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2016
Ku-xigeenka taliyaha ciidamada AMISOM oo Soomaaliya qeybo ka tirsan booqday

Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL)-Ku-xigeenka taliyaha ciidamada AMISOM, Mohammedesha Zeyinu ayaa Soomaaliya qeybo ka tirsan booqday.

Wuxuu xilkaa Mohammedesha Zeyinu hayay muddo ka badan hal sano iyo bar.  Horay wuxuu u heyn jiray xilka hawlgalada iyo qorsheynta ee AMISOM.

Xaflad muddo gaaban gudaheed lagu qabtay xarunta AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa kala soo qeyb galay Mohammedesha Zeyinu taliyaha AMISOM Cusmaan Subagle iyo Jeneraal Nakibus Lakara oo AMISOM u qaabilsan Taageerada iyo Tasiilaadka iyo waliba saraakiil kale oo sarsare oo ka tirsan AMISOM.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan hawlgalkaan ka qeyb qaatay. Waa hawl gal Afrikaan waxaana ka helay khibrad badan la shaqeynta walaalahayga Afrikaanka ah'. Sidaa ayuu yiri Mohammedesha Zeyinu.

'Waxaanu kala baranay khibrado  waxaana og nahay awoodeena ka Afrikaan ahaan waxa loo baahan yahayna waa in aan samayno oo maareyno hawl galo noocaa oo kale ah'. Mohammedesha Zeyinu intaana waa uu raaciyay.

Sidoo kale taliyaha AMISOM Cusmaan Subagle ayaa ku ammaanay Mohammedesha Zeyinu gacantii uu ka geystay soo celinta ammaanka Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]