3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2016
Prof. Galeydh oo ku Hanjbay inay ka baxayaan Wadahadallada ay kula jiraan Somaliland


Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeydh, ayaa sheegay inay ka baxayaan wadahadalka ay kula jiraan Somaliland, haddii aysan joojin fara-gelin iyo kala qaybin uu sheegay inay ka dhex-wadaan shacabka Khaatumo.

Prof. Cali Khaliif Galeydh, ayaa sidoo kale, sheegay inuusan diyaar u ahayn in uu Somaliland ka biro, wuxuuna beeniyay warar sheegaya inuu maamulka Somaliland ku biirayo.

“Anigu ma doonayo inaan maamulkaas ku biro, ma rabo inaan xil ka Qabto, balse waxaan ka digayaa fara-gelinta ay kuhayaan siyaasaddeena iyo dadka maamulka Khaatumo ku Ab-tirsada oo ay kala qaybinayaan,” ayuu yiri Prof. Cali Khaliif Galeydh.

Madaxweynaha Khaatumo ayaa sheegay inuu iska diiday inuu ka qayb-galo shirka ka socdo Burco oo uu ku tilmaamay mid lagu kala qaybinayo dadka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maamulkiisa ku Ab-tidsada.

Dhanka kale, Hadalka Prof. Galeydh ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay ku heshiiyeen maamullada Khaatumo iyo Somaliland inay wadahadallo dhanka amniga ah yeeshaan si ay heshiis u gaaraan.

Ugu dambeyn, Wadahadallada ay ku ballan-san yihiin Somalland iyo weliba Khaatumo ayaa waxaa horay uga hor-yimid waxgaradka gobollaad Sanaag, Sool iyo Cayn, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan loo dhameyn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/2/2016 12:18 PM EST
Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL) — Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaya kulan maanta Dhax-maray wafdi uu horkacayay ra'iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne iyo duubabka dhaqanka uu horkacayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

10/2/2016 11:24 AM EST
Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL) — Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasadeed ee Somalia, ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho kazoo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadleen xaaladda dalka iyo dib u dhigidda Doorashooyinka sannadkan 2016-ka dhacaya.

10/2/2016 10:55 AM EST
Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL) — Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa la sheegay inay baryahan dambe kusoo badanayaan dhallinyaro habeenkii jidadka dadka ku baadha isla markaanka shacabku ka cawdaan.

10/2/2016 7:58 AM EST
Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL) — Hay'ada culumada Soomaaliyeed ayaa maanta walaac ka muujisay qoondada 30% ah ee Haweenka ay ku leeyihiin hay’adaha dastuuriga ee Dowladda Federaalka Somalia, gaara haan Saamiga kuraasta Baarlamaanka la dhisi doono dhawaan.

10/2/2016 5:22 AM EST
Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL)-Ku-xigeenka taliyaha ciidamada AMISOM, Mohammedesha Zeyinu ayaa Soomaaliya qeybo ka tirsan booqday.

10/2/2016 4:04 AM EST
Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa amray in la furo waddooyinka lagu xirtay dhagaxaanta ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

10/2/2016 3:44 AM EST
Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL)-Madaxa nabad sugida ayaa doonaya in uu xilka ka qaado 1,500 ka tirsan nabad sugida Soomaaliya maadaama falalka amni darro ay kusoo badanayaan dalka.

10/2/2016 2:21 AM EST
Axad, Oktobar 02, 2016 (HOL)-Waxay xalay loo dabbaal dagay sannad guuradii 3aad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay matxafka dhaqanka Soomaalida ee Minnesota.