4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2016
Muqdisho: 1500 sargaal oo ka tirsan nabad sugida oo laga dalbaday in ay boosaskooda banneeyaan

Axad, Oktoobar 02, 2016 (HOL)-Madaxa nabad sugida ayaa doonaya in uu xilka ka qaado 1,500 ka tirsan nabad sugida Soomaaliya maadaama falalka amni darro ay kusoo badanayaan dalka.

Waxaa shalay warbaahintu heshay in Jeneraal C/Laahi Gaafow uu qorsheynaayo inuu xilka ka qaado saraakiishaa. Waxaa wararku intaa ku darayaan inuu shaaciyay mar hore in la doonayo in ay is casilaan.

Jeneraal C/Laahi Gaafow ayaa ku eedeeyay xubnahaa ka tirsan laamaha ammaanka in ay gabeen waajibaadkoodii.

Wuxuu sheegay inuu damacsan yahay inuu dib u soo nooleeyo hoggaanka hayada ammaanka sidaa darteedna uu damacsan yahay inuu keeno saraakiil cusub oo hawl kar ah kuwaasoo sida uu sheegay ka adkaan doona jabhada Al-Shabaab.

C/Xakiim Farey, taliyihii hayada nabad sugida ee Muqdisho ayaa noqday sargaalkii ugu dambeeyay ee xilka laga qaaday.

Jeneraal C/Laahi Gaafow ayaa wacad ku maray in uu furi doono bog cusub marka laga hadlaayo shaqada hayada nabad sugida.

Si kastaba ha ahaatee waxaa wali sii socda qaraxyadii ayadoo shalay xataa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay lala eegtay maqaaxida Blue Sky, gudaha Muqdisho halkaa oo dhawr qof ku dhinteen.

Xarakada al-Shabaab ayaa ku hanjabtay in weeraro badan ay qaadi doonto xilliga doorashooyinka ee sanadkaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]