Dowladda Somalia oo Maareeye Cusub Maanta u magacowday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho


Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho maanta u Magacowday Maareeye cusub, Waxaana loo Magacaabay Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde, Jen. Cabdi Abshir Jaamac, sida lagu sheegay Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska RW Somalia Cumar C/rashiid Cali.

Magacaabidda kaddib, ayaa wuxuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu la qaatay kulan looga hadlay dar-dar-gelinta amniga garoonka diyaaradaha la qaatay, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen; wasiir ku-xigeennada amniga iyo duulista hawada Somalia, Taliyeyaasha ciidamada booliiska, Nabad-sugidda, saraakiil waaxda socdaalka ka tirsan iyo xubno ka tirsan shirkadda maamusha garoonka ee FAVORI.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga garoonka, iyadoo madaxweyne Xasan uu tallooyin ka dhageystay saraakiisha Amniga ee ka qayb-galay, kuwaasoo sidoo kale si qoto dheer uga warbixiyay tallaabooyinkii la qaaday si Amaanka guud ee Garoonka loo xoojiyo, kaddib qaraxii ka dhex-dhacay diyaaradii Daallo Airlines  bishii Feberaayo ee sannadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Somalia ay waqti dheer ku bixisay sidii looga hor-tegi lahaa falal ammaan-darrada ah oo ka dhaca garoonka Aadan Cadde, khasaarena gaarsiisa shacabka Soomaaliyeed iyo dadka kale socdaalka ku yimaada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa armay saraakiisha amniga ee garoonka inay ka Hor-tagaan wax kasta oo Nabadgelyada Garoonka Aadan Cadde wax u dhimaya, isagoo kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha.

Ugu dambeyn, Maareeyaha cusub  ee maanta loo magacaabay Garoonka ayaa bedeli doona maareeyihii hore ee garoonka, iyadoo tallaabadan ay imaanayso xilli mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia ay dhawaan sheegeen in Amaanka garoonka si aad ah loo adkeeyay, isla markaana 100% la isku halleyn karo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay maanta in Weerar gaadmo ah ay ku dilay 12-askari oo ka tirsan ciidanka Kenya ee ka tirsan hawl-galka AMISOM, ayna la beegsadeen weerarka gaadiid kolonyo ah oo ay wateen Ciidamada dalka Kenya ee KDF-ta oo marayay Xayo oo u dhexeeya Qooqaani iyo degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Ciidamada Amniga Puntland ayaa baaritaanno xoog leh ka billaabay Magaalada Boosaaso, kaddib weerar hal qof lagu dhilay oo Fiidnimadii xalay ka dhacay gudaha magaalada, iyadoo isla weerarkaasna ay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale.

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Hay’adda Tayo ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ku qabatay kulan ballaaran oo lagu soo bandhigayay Cilmi-baaris iyo Daraasaad laga sameeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota.

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Is-rasaasayntii dhawaan dhexmartay ciidamada Ilaaladda xeebaha Somalilnad iyo kuwo Badda Jabuuti taas oo sababtay dhimashada hal askari oo ciidanka Somaliland ah.

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) —Shir ay maanta magaalada Muqdisho ku sheegeen in 500 oo Hoggaamiye oo ka kala Socday Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed; Sida - Ganacsatada, Bulshada Rayidka, Culummada, Warbaahinta, Dhallinyarada, Haweenka iyo odayaasha-dhaqanka, ayaa looga dooday dhibaatooyinka joogtada ah ee gudiga la-socodka cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo diiradda lagu saaray saameynta ay ku yeelatay warbixintoodu horumarka iyo soo-kabashada Somalia.

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Ciidanka maamulka Puntland ee maalmihii dambe hawl-gallo ka dhan ah xoogag ka tirsan Al-shabaab oo duullaan ku qaaday deegaanada Xeebaha-bari ee Puntland, ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay kooxda Al-shabaab ay ka bixiyaan qaybo ka mid ah Togga Suuj.

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 62 ruux oo rakaab ahaa ayaa dhintay kaddib markii diyaarad ay lahayd Shirkadda Fly-dubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta aroornimadii hore ee Sabtida maanta ah ku dhacday garoonka diyaaradaha Rostov-on-Don oo ah magaalo ku taalla Koonfurta waddanka Ruushka.

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ahaa oo goor-dhaw ka dhacay dukaammo ay dal-xiisayaashu wax ka iibsadaan oo ku yaalla bartamaha magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga, iyadoo 20 qof oo kalena la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen.

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay laga dareemayaa deegaanka Garacad ee gobolka Nugaal, halkaasoo toddobaadkii hore ay gaareen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Sabti, Maarso 19, 2016 (HOL) — Xoogag hubeysan oo ka Tirsan Al-shabaab ayaa ku dilay Saddex Ruux, Lix kalena ku dhaawacay goob dhuxusha lagu gubo oo ku taalla Buur-gaabo oo qiyaastii 240-km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sebti, Maarso 19, 2016 (HOL)-Mid ka mid ah ilaalada guddoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha beriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige, ayaa ku dhintay labo qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar xalay ay kusoo qaadeen rag hubeysnaa oo aan weli heybtooda la garan.

Sebti, Maarso 19, 2016 (HOL)-Meel u dhow magaalada Caabuwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku dhintay afar carruur ah biyo kujiray barkad.

Somali News

3/19/2016 12:37 PM EST
Over the last decade, Somali refugees have flocked to the conservative farm town of Fort Morgan on Colorado's eastern plains and have started to build a community.

3/19/2016 12:29 PM EST
At least ten members of the Islamist militant group Al-Shabaab were killed and several others wounded at Suuj neighborhood in Nugal region on Saturday after heavy fighting between Puntland forces and Al-Shabaab in northern Somalia, officials said.

3/19/2016 6:58 AM EST
DJIBOUTI (HOL) – The Eritrean government has handed over four Djiboutian prisoners of war who were captured during the 2008 border war to the Qatari government, in the culmination of years negotiations between the two neighboring countries that signed a ceasefire agreement which ended the conflict

3/19/2016 4:36 AM EST
MOGADISHU (HOL) – Racing against time to break an impasse in the negotiations for the formation of the proposed interregional state for Hiiraan and Middle Shabelle regions, Somalia’s government continues to push for the resumption of negotiations with Hiiraan elders who boycotted previous rounds of talks.

3/19/2016 3:53 AM EST
A mother and midwife who subjected two young girls to female genital mutilation in Australia were sentenced to 15 months each on Friday following a landmark FGM trial.

3/19/2016 3:19 AM EST
The U.N. human rights chief, Zeid Ra'ad Al Hussein, said Friday that Burundi is on the brink of a sudden escalation of violence to "massive proportions."

3/19/2016 3:01 AM EST
A jet operated by Middle Eastern budget carrier FlyDubai crashed in the Russian city of Rostov-on-Don Saturday morning, killing all 62 people on board.

3/19/2016 2:35 AM EST
The African Union peacekeeping mission (AMISOM) said on Friday relative calm has returned to the central Somali town of El Baraf after Al-Shabaab militants were flushed out.

3/19/2016 2:28 AM EST
Security forces in Somalia's semi-autonomous region of Puntland killed more than 60 Islamist militants and regained some territory in a counter-offensive against al Shabaab, regional officials said.

3/19/2016 1:20 AM EST
The Chairperson of the African Union Commission, H.E. Dr. Nkosazana Dlamini Zuma, has appointed Lieutenant Colonel (rtd) Larry Gbevlo-Lartey, from Ghana, as her Special Representative in charge of Counter?Terrorism Cooperation and, concurrently, as the Director of the Algiers?based African Centre for the Study and Research on Terrorism (ACSRT).

3/19/2016 12:56 AM EST
Security forces in Somalia’s semi-autonomous region of Puntland killed more than 60 Islamist militants and regained some territory in a counter-offensive against al Shabaab, regional officials said.

3/19/2016 12:40 AM EST
The Islamic State’s Cyber Army used an online cellphone app to post a “kill list” of names, addresses, phone numbers and other personal information on 36 police officers in the Twin Cities area of Minnesota.

3/19/2016 12:28 AM EST
Teachers at a charter school in St. Paul are getting the opportunity to become even better at their jobs through Somali language courses.
Click here